Dhaqanka Wanaagan Iyo Dulqaadka

0
642

Rasuulka Allah (sw) isagoo maalin geed hoos hurda ayuu nin gaal ah oo reer miyi u yimi, seeftiisa ayuu dul qabtay waxaana uu ku yidhi isagoo aad u qaylinaya : “ Muxamedow yaa iga kaa ilaalinaya ?

Rasuulka Allah (scw) geesi ayuu ahaa wuxu yidhi : “ Allah (sw). Ninkii Gaalka ah ayay seeftu ka dhacday , markaasi ayuu Nebigu (scw) qaatay oo ku yidhi : “ Yaa iga  celinaya ?  Waxaana uu ku jawaabay isagoo aad u baqanaya dulqaadkaaga”.

Rasuulka Allah (scw) oo dulqaad badanaa ayaa ku yidhi “ Iska tag.  Laakiin ninkii gaalka ahaa aya markiiba yidhi : “ Waxaan rumeeyay Allah  iyo Rasuulkiisa”. Dhaqanka iyo akhlaaqda Rasuulka Allah (scw) ayaa ahayd mid dad badan soo jiidan jirtay oo ay ku islaami jireen.

Leave a Reply