Khaladka Dad Kale Lama Saaro!

0
407

Haddii aad rumaysan tahay inaad tahay qof wakhti kasta saxan, dadka kalena ay yihiin kuwo khaldan, ama gefkaaga aad ku riixdo qof  kale oo aan warba ka hayn, isla maraana  faan badan oo is amaana,  dhamaantood waa astaamaha qof  caqliga iyo garaadka yar , kaasina si kooban waa qofka nacaska ah.

Qoraagga buugga Emotional Intelligence”, dareenka garaadka Dr.Travis B.  ayaa buugiisa ku cadeeyay in qofka khaladkiisa dusha ka saara dad kale uu yahay qof aan masuuliyad qaadi Karin oo maraan ah, waxaana uu yidhi :” Isla wakhtiga aad dadka kale farta ku fiiqdo, waa marka uu bilaabmayo in laguu arko qof aan mas’uuliyad qaadi karin”.

Waxa kale oo intaasi raaciyay in mas’uuliyadda khaladka uu qofka lihi qaato si aanu u noqon nacas. Waxa kale oo daraasad jaamcadda Mishigan ee dalka Maraykanku samaysay ku cadaysay in qofka caqliga badani xalka khaladkiisa uu isagu raadiyo isagoon qofna ku riixin.

Dadka garaadka hooseeya ee nacasayada ahi waxay sameeyeen, inta badan naftooda inay amaanaan si ay u muuqdaan,  Nooca dadkaasi waxay ka hadlaan xumaanta iyo dhaliisha dadka kale, xukunka ayay dadka kula degdegaan. Dadka caqliga badan ee fariidka ahi qofna xumaan kulama degdegaan, go’aan degdeg ahna kama qaataan.  Waxa kale oo la cadeeyay in dadka garaadka sare lihi ay yihiin kuwo gacan furan oo aan bakhaylo ahayn.

 

Leave a Reply