Soomaaliya: Magaalada Waajid oo lagu dilay shan qof oo isku Qoys ah

0
493

Magaalada Waajid ee gobolka Bakool waxa xalay lagu laayey shan qof oo isku qoys ah, kaddib markii lagu weeraray Gurigooda.

Dhacdadan argagax leh, ayaa ka dhacday dalka Soomaaliya oo ay tobanaankii sannadood ee la soo dhaafay la dageen colaado sokeeye iyo kuwo argagixiso.

Weerrarka ayey ehellada dadka la laayay waxa ay sheegeen in la gaystay xalay saqdii dhexe, halkaas oo dhammaan dadkaasi lagu laayay.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah saddex carruur ah iyo labo haween ah.
Cali nuur Cali Cadhood oo dhalay gabadha, ninkeeda iyo carruurteediiba la laayay ayaa BBC-da u sheegay in goor dambe lagu war helay xasuuqa loo geystay Qoyskan.

” Xalay markii ay 8 saac ahayd ayaa la soo weeraray, gabadha iyo saddex caruur ah oo ay dhashay waa la dilay ,” ayuu yidhi Cadhood.

Geesta kale, Taliyaha Ciidanka Dawladda Soomaaliya ee Degmada Waajid, ayaa sheegay in ay ku daba jooggaan kuwii falkaas waxshinimad ah geystay.

Leave a Reply