Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Gobolka Awdal oo la daah-furay

0
677

Guddida Doorashada Qaranka Somaliland ayaa daah-furay bilowga Diwaangelinta ku-celiska ah ee Gobolka Awdal, taasoo qorshuhu yahay in ay 29 bishan ka bilaabaysa Gobolkaas iyo deegaamo kale.

Xubno kamida Guddida Doorashada, Maamulka gobolka Awdal, Wakiillo ka socda Asxaabta Siyaasadda, Degmada Boorama iyo marti-sharaf ka kooban qaybaha bulshada, ayaa ka qaybgalay munaasibada daah-furka.

Guddida ayaa todobaadkan kala diray Kooxaha Wacyi-gelinta diwaangelintaasi, kuwaasoo deegaamada gobolkaas ka samaynaya baraarujin la xidhiidha Diwaangelinta.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply