Xisbiyada Qaran ee South Africa, Zimbabwe iyo Swaziland oo si Buuxda u Taageeray Gooni-isutaaga Somaliland

0
402

Johannesburg –(Dawan)-Waxa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika kusoo dhammaaday Shir saddex maalimood uga soconaayey xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Qaran ee South Africa, Zimbabwe iyo Swaziland kaasi oo si buuxda lagu taageeray Gooni Isutaaga Somaliland.

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada , Dr Sacad Cali Shire ayaa markii uu shirku soo dhammaaday warbaahinta u sheegay qodobada kasoo baxay,waxan uu yidhi  “In laga shaqeeyo sidii Somaliland ku heli lahayd aqoonsi buuxa , isku xidhka labada waddan lana kordhiyo xidhiidhkooda dhaqaale , in Somaliland lagu qabto bandhig dhaqaale oo ay kasoo qayb gasho dawladda Koonfur Afrika iyo in laga shaqeeyo sidii basaboorka Somaliland loogu imaan lahaa dalka Koonfur Afrika sidii loogu imaan jiray wakhtigii hore” ayuu yidhi

 

Wakiil Somaliland ee Koonfur Afrika, Axmed Jaamac ayaa sheegay in gogosha shirka ay dhigeen Xisbiyada Siyaasada ee dalka Koonfur Afrika, waxana uu yidhi “waxa kasoo baxay wixii aanu ka filaynay wax ka weyn, shirkan waxa soo qabanqaabiyey siyaadada ee Waddamada koonfur Afrika, Zimbabwe iyo Swaziland”

 

Leave a Reply