Maalamaha Yurub Cabsida KU Jiraan!

0
428

Maalin kasta oo ay bishu 13 tahay isla markaana ku beeganta Jimce waxa ay noqotay maalin reer galbeedka u aaminsan yihiin inay tahay maalin baas oo belaayo dhacayso.

Sidaa darteed kama soo baxaan guryahooda, maalintan ayaa sanadkii ugu yaraan hal mar gasha, ugu badnaan 3 jeer. Sanadkii 2015 saddex  ayaa galay 13 Feberwer, March, iyo Novemeber.  Sanadkan waxa galay laba maalmood oo keliya.

Cabsida aan caqliga ku dhisnayn ee dunida laga aamisan yahay inay xadaarad casriga ah ku jiraan ay loo yaqaanaa “triskaidekaphobia” oo ah erayo Giriig ah.

Sida uu sheegayo taariikh qoraha Mr.Donald Dossey, dhaqanka nasiib darrada ah ee lagu lamaaneeyay tirada “13” waxa ay ka soo jeedaa  sheeko xariirada “Norse”  oo ku saabsan in 12 saaxiroole ay xaflad casho ah ku samaysteen Valhalla. Shadaanka oo aan la casuumin, ayaa yimid oo noqday ka 13-aad. Isla markiiba waa cadhooday waxaana uu fallaadh ku ganay Balder. Balder waa uu dhintay.  Dhulka waa uu madoobaaday. Waxaana ay rumayseteen inay  maalin xun tahay, oo aan nasiib lahayn.” Dhacdadan qisaska Norse waxa ay sababtay in lambarka 13 loo tixgeliyo nasiib darro.

Wakhtigan maalinta ay Jimce 13 bishu noqoto waa maalin ay ku jiraan dadkaasi argagax iyo cabsi joogto, oo guryahooda iska joogaan iyagoo aaminsan inay tahay maalin belaayo ah.

Waxa la sheegay inay suurtagal tahay in faafitaanka iyo rumaysashada khuraafaadkan ay qayb weyn ka qaadatay buuga caanka ah ee uu qoray Thomas W. Lawson ee Jimcihii 13, uu yahay  ka qaybta u weyn ka qaatay faafinta iyo rumaysasha khuraafaadkan.

Buugga Novelka ah ee dilaal aan damiir lahayn ayaa ka faa’iidaysanahay faafitaanka caadadan cabsida xambraasan. Dalalka iyaguna ku hadla luqadda Spanishka ayaa caado u leh inay tahay maalinta salaasada ee bishu 13,   maalin baas oo belaayo dhacayso.

 

Leave a Reply