Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland oo Warbixin Ka Dhageystay Guddida Joogtada ee Golahaas.

0
533

Hargeysa (Dawan)-Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa warbixin ka dhageystay gudoomiyaha  gudida joogtada  ah ee golaha guurtida Xildhibaan Siciid Cabdilahi Yasir .

Fadhigii golaha guurtida Somaliland oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahasi waxay warbixin faahfaahsan ka dhageysteen gudoomiyaha gudida joogtada ah ee golaha guurtida Xildhibaan Siciid C/laahi Yaasir taasoo xildhibaanku  warbixintiitaasi uu kaga waramay in ay kulamo la yeesheen masuuliyiinta hay-adaha dowlada  ay ka mid ahaayeen  wasarada xananada xoolaha iyo kalluumeysiga , hay-adda qaxoontiga iyo barokacayaasha iyo masuuliyiinta xabsiga dhexe ee magalada Hargeysa .

Xildhibaan siciid c/laahi yasir waxa uu warbixintiisa ku sheegay  in xabsiga dhexe magalada hargeysa  markii ay kormeeyaareen uu warbixin uu ka siiyey taliyaha ciidanka asluubta Somaliland waxaanu uga warbixiyey xaalada xabsiga dhexe oo uu taliyuhu uu sheegay in heerka caalamiga ah ee jeelasha lagu galo ay gaadheen, iyadoo  guddoomiyaha guddida joogtadu uu xusay in jeelka dhexdiisa maxaabiista wax lagu baro oo ay bartaan aqoon kala duwan.

Dhinaca kalena xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yasir waxa uu sharaxaad  ka bixiyey kulan ay la yeesheen masuuliyiinta hay’adda qaxoontiga iyo barokacayaasha qaranka iyo wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland, oo uu sheegay in wax kaweydiiyeen hawlaha shaqo ee ay mas’uulka ka yihiin, wuxuuna xusay in uga xogwarameen waxyaabihii u qabsoomay iyo haabiyaha ka jira hay’adahaasi iyo waxa u qorsheysan mustaqbalka in ay qabtaan.

Leave a Reply