Cajiib: Tartankii Dhimishada Badnaa!

0
477

Waa mid ka mid ah xaqiiqda dhabta ah ee taariikhda la garanayo akhriste ma la socota in sanadkii 1937 loo qabtay tartan laba sarkaal oo ciidanka Japan ka tirsan.

Tartanka ayaa ah inay seef qoorta kaga jaraan midkiiba 100 qof, kaasi oo ka hor dhameeyaa uu guulaysan doono.

Labadan sarkaal oo magacyadoodu kala ahayeen Toshiaki Mukai and Tsuyoshi Noda waxay ahaayeen saraakiil dhalinyaro ah oo derejda gaashaanle dhexe ah waxayna ka tirsanaayeen guutada Toyama. Tartankaasi ayaa dhacay mudadii Japan weerarka ku hayay dadkii China.

Qofkii guuleystay waxaa lagu dhawaaqay 10-kii Diseembar 1937, dhowr maalmood oo keliya ka hor markii Ciidankii Japan ay qabsadeen magaalada Nanking oo wakhtigan loo yaqaano Nanjing.

Intaasi ka dibna caasimadda Jamhuuriyadda China (oo hadda ah gobolka Jiangsu) ayay ciidamada Japan qabsadeen. Bishii December 13, 1937, guud ahaan lix todobaad gudahood in ka badan 200,000 oo qof ayaa la dilay, kumanaan dumar ah ayaa iyana la kufsaday. Waxaana China  looga  yaqaana xasuuqii iyo kufsashadii Nanking ee Japan sameeyay.

Waxase yaab lahayd, ka dib maalinta lagu dhawaaqay labada sarkaal kan ugu dilka badan, haddana  labadoodaba waxay isku raaceen in ay qaataan tartanka kale oo ah oo ka badan kii hore oo gaadhaya 150 qof dilkooda.  Xasuuqaasi uu sameeyay Japan ayaa taariikhada dadka China baal madow kaga jira oo welina ay xusuusan yihiin.

 

 

Leave a Reply