Koomishanka iyo Xisbiyada Qaranka oo u Kuur Galay Sida Bulshadu isu Diwaangelinayso

0
369

Boorama-(Dawan)-Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka, Cabdirashiid Maxamed Cali (Cabdirashiid Rayo-raac) ayaa magaalada Boorama ku tegay  kormeer la xidhiidho diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo maanta si rasmi ah uga bilaabantay degmo doorashooyinka gobolka Awdal iyo degmooyin ka tirsan gobolka Maroodi-jeex, isaga oo kormeerkiisa ku tagi doono degmooyinka, Tuulooyinka iyo gaabaha ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaashu.

 

Waxa kale, oo uu sheegay guddoomiyaha guddida doorashooyinku in gobolka Awdal ay joogaan guddoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka iyo xubin ka tirsan guddidaas oo halkaas u jooga in ay xaliyaan wixii cilad farsamo ah ee yimaada inta ay socoto diiwaangelintu, wuxuuna tilmaamay in ay ka diyaar garoobeen ciladaha dhanka farsamada ah ee imankara, isaga oo intaas raaciyey in hawl-wadeenadii loo baahnaa ay diyaar ku yihiin goobaha haddii qalabka ciladi ku timaado.

 

Dhinaca guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka , Eng Faysal Cali Waraabe iyo Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa u kuur galay sida bulshadu isu diwaangelinayso waxanay booqdeen goobaha diiwaangelintu ka socoto, hawladeennada diiwaangelinta ayaa Guddoomiyayaasha uga xog-warramay habsami u socodka diwaangelinta, waxanay bulshada ku boorriyeen in ciddii aan hore isu diiwaangelin iyo dhallinyarada qaan gaadhay qaatan kaadhka codbixinta kana faa’iidaystan fursaddan muhiimka ah ee mar kale dib loogu bilaabay diiwaangelinta.

Leave a Reply