Xildhibaano Golaha Guurtida ka Tirsan oo Mooshin ka Keenay Hay’adda UNDP

0
462
Hargeysa (Dawan) Shir-guddoonka golaha guurtidda Somaliland ayaa maanta loo gudbiyay mooshin ka dhan ah hay’adda UNDP, taas oo ay ku eedeeyeen in ay golaha faro-gelin.
Xildhibaanada Mooshinkan gudbiyay ayaa dhan 15 mudane.
Xildhibaanada warbaahinta la hadlay ee faahfaahiyay nuxurka mooshinkaasi , xildhibaan Cabdocasiis Maxamed Gaaxnuug, iyo xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Ilkacase.
Hadaba bal een eegno xog ku saabsan sababta Mudaneyaasha Guurtidu qaarkood uga qayliyey Hay’adda UNDP, Mooshinkana uga keeneen.
Mudaneyaasha Golaha Guurtida qaarkood, ayaa si weyn uga qayliyey dhaqdhaqaaqyo Golaha Guurtidu bilaabeen oo la xidhiidha xog ururin lagu samaynayo qaabka loo soo dooranayo Mudaneyaasha Golaha Guurtida, oo laga soo sameeyey Gobollada qaarkood.
Qorshahan Golaha Guurtida dardar geliyeen ee ku saabsan samaynta xeerka lagu soo dooranayo Mudaneyaasha Golaha Guurtida, isla markaana kulamo la tashiyadan loo qabtay ay Golaha ka taageertay Hay’adda UNDP, ayaa sababay in Mudaneyaasha qaarkood ka biyo diidaan qorshaha lagu dardar gelinayo xog ururinta qaabka loo dooranayo Golahooda.
Mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa kuraasta fadhiyey muddo ku dhow 30 sanno, oo bilaa doorasho ah, iyada inta badan Xildhibaannadii wakhtigaasi la soo doortay ay geeriyoodeen Kuraastoodiina ay dhaxleen Ubadkoodii.
Mar la isku dayo samaynta Xeer lagu dooranayo Golaha Guurtida, ayaa waxa diidmo kala hor yimaada Mudaneyaasha Guurtida qaarkood.
Halkan ka Daawo
https://youtu.be/R1FL3_Hq5As

Leave a Reply