Qaramada Midoobay oo ka digtay xiisadaha sii kordhaya ee bariga dhexe

0
373

Tehran (Dawan)- Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xiisadaha sii kordhaya ee bariga dhexe kadib dilkii loo gaystay Saynisyahankii ugu sareeyay Iran ee Nukliyeerka Mohsen Fakhrizadeh.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay inay is xakameyaan iyo in xaaladda la dejiyo wuxuuna cambaareeyay dil kasta oo sharci daro ah.

Hoggaanka Iiraan ayaa eedda dusha uga tuuray Israa’iil waxayna ballan qaadeen inay u aar gudi doonaan Mohsen Fakhrizadeh.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in meydkiisa la geeyay masaajidka Imaam Reza ee magaalada Mashhad ka hor aaska maalinta Isniinta ah.

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, wuxuu umuuqday inuu muujinayo in aargoosiga uusan dhaqso u dhici doonin. Maamulka Israil ayaa ka aamusay dilka.

Dhanka kale, hogaamiyaha sare ee ruuxiga ah ee Iran, Aayatullah Cali Khaaminei, ayaa dhaleeceeyey dilka saynisyahankii ugu sarreeyey khubarada nukliyeerka Iran. Waxaanu qoraal uu Twitter-ka ku baahiyey ku tirtirsiyey xukuumadda Iran in ay “si dhab ah u daba gasho fal dembiyeedkan oo ay ciqaabto iyaga iyo ciddii amarka ku siisay ba”.

Seynisyahankani barnaamijka Niyukleerka Iiraan Mohsen Fakhrizadeh ayaa lagu khaarajiyay meel u dhaw caasiamda Tehran, waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaashaandhiga Iran.

Fakhrizadeh ayaa dhaawac ka soo gaadhay weerarkaasi ugu dhintay isbataal ku yaala magaalada Absard.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan Mohammad Javad Zarif, ayaa cambaareeyay dilkaasi isaga oo ku tilmaamay “ficil argagixiso”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply