Qormada Todobaadkan Iyo Cudurka Dhiig Karka

0
748

Qormada Todobaadka ee Arrimaha Bulshada waxaan kaga hadli doona Cudurka dhiikarka oo aad ugu badan bulshadeena hadaba Cudurka dhiig karka oo afka qalaad loo yaqaano (Hypertension) Waxaa lagu tilmaamaa marka cadaadiska dhiiga ee lagu hayo derbiyada halbowlayaashu(Arteries) ay kordhaan . waxaana lagu cabiraa milimeterka merkuuriyada (mmHg). u fiirso qeybta midig wadnaha waxa uu sambabada ku shubaa dhiig oksijiin (oxygen) yar leh. Qeybta midig ee wadnaha dhiiga uu shubayo waa mid cadaadiskiisu yaryahay Waxana lagu magacaabaa cadaadiskaasi (Diastolic). Halka qeybta bidix ee wadnaha dhiig oksijiin badan ku shubaa jidhka, Qeybta bidix ee wadnaha waxa uu dhiig u shubaa si cadaadis badan Waxaana lagu magacaabaa (Systolic).

Labada cadaadis, systolic iyo diastolic waa lacabiraa waxaana marka koowaad la,arkaa midka systolic, oo ay ku xigto diastolic. Dhiig karka Waxa caadi ahaan lagu tilmaamaa markuu cadaadiska dhiigaagu uu si joogta ah u kacsanyahay ilaa 140/90 ama ka badan.

Maxaa keeni kara cudurka dhiig karka? Marka ugu horeysay Waxaa muhiim ah in wax laga ogaado qeybaha dhiig karka ka dibna aan fahano qeyb weliba iyo waxa keena.

Qeybtaan 1 aad lama yaqaano waxa sababay 95% dhiig karku waxa keena qeybtaan hore , inta badan Waxa lala xidhiidhiyaa dadka da,ada ah,) iyo bulshada madowga ah (Black population). waxana uu ku yimaadaa qaab dhaxal ah.

Qeybtaan Waxa jira cuduro ku dhacay jidhka taas ay sabab u noqotay inuu cudurka kugu dhaco waxaana kamid ah: 1- Cudurada ku dhaco kelyaha; • Hadii uu xidhmo xididkii dhiiga gaadhsiin jiray kelyaha (Renal artery stenosis) haddii Sonkortu saameyso kelyaha  Caabuq ama (inflammation) xoogan oo kelyaha ku dhacay sida (renal vaculitis) Kelyuhu waa xubunita ugu halista badan ee keeni karto dhiig kar qeybtaan labaad marka ay saameeyaan xanuuno daran. 2- cudurada ku dhaca qanjidhada soo daaya dheecaanada (Endocrine diseases); •

Sida cudurka cushing syndrome oo ka dhasha markii si wacan loo huriyo ama looga shaqeysiiyo qanjidhka dulsaaran kelida ee loo yaqaano adrenal gland deetana soo saara dheecaanka corticosteroids ka loo yaqaan taas oo keeni karta cudurka dhiig karka. • Iyo buro ka soo baxda qanjidhka dulsaaran kelida ee adrenal gland (Phaechromocytoma) iyo iwm. 3- cudurada ku dhaca wadnaha sida; • Coarctation of aorta: waa cudur lagu dhasho taas oo ah in qeyb kamid ah xididka weyn ee oarta uu yaraado. 4- daawooyinka qaar sida; • Kuwa loo isticmaalo dhalmo la,aanta (contraceptives), kuwa xanuun baabi,yaha loo isticmaalo qaarkood ee NSAIDS-ka, kuwa caabuqa loo isticmaalo qaarkood sida carbenoloxolone waxay keeni karaan cudurka dhiig karka.

5- baruurta (Obesity): qofka buuran wuxuu u nugulyahay cudurka dhiig karka maxaa yeelay dufanka badani waxay carqalad gelisaa habsami u socodka xididada taas oo cidhiidhi gelisa shaqadooda. 6- Haweenka uurka leh wuu ku imaan karaa dhiig karka waxaana loo yaqaan pregnancy induced hypertension ama pre-eclampsia. Laakiin marka ay dhalaan way ka ladnaadeen.

Nuucaan labaad Waxa inta badan isna lala xidhiidhiyaa dhalinyarada (younger age) iyo dumarka. Calaamadaha cudurka dhiig karka: Cudurka dhiig-karka malahan wax calaamad ah inta badan (Asymptomatic). Laakiin marka uu cadaadiska dhiiga u sare yahay tusaale ahaan 180/110mmHg  Aragti la,aan (Blindness) Calaamadahaas waa xaalad deg deg ah (Hypertensive Emergency) waxaa haboon in si deg deg ah loo geeyo bukaanka goob caafimaad.

Hadaba Sidee ayuu uu caalamka ku yahay cudurka dhiig-karka Cudurka dhiig-karku waa mid meelo badan oo dunida ah ku baahsan kaas oo saameeyay in ka badan 1 billion oo dad ah waana halista ugu badan oo ay dadku u dhintaan.

Cilmi baadhis ay sameeyeen ururka caafimaadka adduunka 2012 (World Health Statistics) ayaa qiyaas ahaan waxay ku ogaadeen in xadiga cudurka dhiig-karka raggu gaadhsiisanyahay 29.2% halka dumarkuna uu gaadhay 24.8%. Qiyaas ahaan 90% ragga iyo dumarka aanan qabin cudurka dhiig-karka kuwaas oo ku jira da,ada 55-aad ama 65-aad ay ku dhici doonto dhiig-kar markey da,adoodu gaadho 80-85.

Hadaba waxa jira calaamado lagu ogaaday daraasadaa oo lagu garan karo in uu qofka hayo cudurka dhiig karku sida Kaadida oo dhiig soo raaca, Kaadi yari, Aragtida oo si xoogan u diciifta Jahwareer, Miyir Beelid, Madax xanuun neefta oo kugu dhegta ama ku dhibta iyo calaamada kale.

La soco…

Sagal Abdirahman Ahmed(Filibiin)

Leave a Reply