Golaha Guurtidda oo dood ka Yeeshay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

0
486

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay Diiwangalinta Codbixiyayaasha oo qaar ka mid ah degmooyinka dalka si rasmiya uga bilaabantay.

Xildhibaan Sahal Iidle Dirir, xildhibaan Cabdiraxmaan cismaan shaadh iyo xildhibaan Mubaarig Xildhibaan Ismaaciil, xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan, xildhibaan Jirde Siciid, oo ka mid ahaa mudanayaashii dooda ka qaybqaadanaayey ayaa talo ahaan ku soo jeediyay in bulsho weynta reer Somaliland ay isdiwaangaliyaan oo ay kaadhadhka codbixinta qaataan.

Sidoo kale  waxaa ay mudanayaashaasi si wado jir ah u tilmaameen in roobabku deegaanada qaar ay ku yaraayeen loona baahan yahay in tixgelin gaar ah la siiyo muwaadiniintaasi.

Leave a Reply