Wasiirka Boosaha oo  Kormeeray Goobaha Diiwaangelinta ee Gabiley.

0
493

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo kormeeray goobaha ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka ee degmada Gabiley.

Waxaa  wasiirka kormeerkaas ku wehelinayey maamulka gobolka Gabiley, xubno ka socday xisbiyada qaranka, ka degmada Gabiley iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, oo uga mahadceliyey guddida doorashooyinka qaranka sida wanaagsan ee ay hawsha diiwaangelinta u wadaan, wuxuuna dadweynaha reer Gabiley ugu baaqay in ay qaataan kaadhka codbixinta doorashooyinka si ay fursad ugu helaan in ay codeeyaan.

Sidoo kale, maayarka degmada Gabiley Maxamed Amiin Cuamar Cabdi iyo guddoomiyaha gobolka Gabiley Cabdilkariin Aadan Xaaji Diiriye, oo halkaas ka hadlay ayaa bulshada reer Gabiley ku booriyey in ay u soo baxaan diiwaangelinta kaadhka codbixinta, waxayna u mahadnaqeen guddida doorashooyinka iyo hawl-wadeenada kale ee ka shaqeynaya diiwaangelinta.

Waxa kale, oo iyana kormeerkaas ka hadlay xubno ka kala socday saddexda xisbi qaran oo bulshada ku nool gobolka Gabiley u soo jeediyey in ay si weyn ugu soo baxaan qaadashada diiwaangelinta kaadhka codbixinta, iyaga oo sheegay in uu yahay mid qofka gaadhay da’ada codeyntu uu xaq  leeyahay inuu qaato.

Leave a Reply