Maxay Dadka Badankoodu Wanaagga Uga Qarsooma?!

0
516

Macalin ayaa soo qaaday sabuurad weyn oo cad waxaana uu ku dhejiyay Gidaarka. Badhtanka sabuuradda ayuu ku sameeyay dhibic  madow.

Markaasi ayuu ardaydii weydiiyay maxaad  gidaarkan ku aragtaan ? dhamaantood waxay ku jawaabeen dhibic madaw. Haddana wuu ku celiyay kolba mid ayaa isku daya oo yidhaa “Dhibic” , ama Goobo and Globe dunida. Markii ay halkaasi dhaafin waayeen ayay ka codsadeen Macalin noo sheeg?

Macalinka oo yaaban ayaa ardaydii ku yidhi: “ Gidaarka waxa ku dhejisan Sabuurad Cad oo saafi ah. Laakiin Idinku waxaad arkaysaan dhibicda yar ee madow oo keliya. Sidaasi ayay aadamigu xumaan yar u wada arkaan iyagoo wanaagga faraha badan indhaha ka laliya.

 

Leave a Reply