Dhiiga Bixinta Waxyeelo Ma Keeni Kartaa?

0
421

Gabadh yar oo ku nool magaalada Ontario ee dalka Kanada ayaa sheegtay in ay niyad jabtay, tan iyo markii ay weyday dhaqdhaqaaqii gacanteeda ka dib markii ay dhiig ku deeqday laga shubay.

Gabadhan yar oo lagu magacaabo Gabriella Ekman ayaa 4 sano ka hor booqatay goob dhiig lagu bixyo oo ay qabanqaabiyeen hay’adda Adeegyada Dhiiga ee Kanada si ay ugu deeqdo markii ugu horaysay nolosheeda dhiig.  madaama ay ahayd gabadh 17 sano jir ah.

Miss. Ekman oo waraysi ku siinaysay gurigeeda  CTVNews.ca, oo ku yaalla xeebta Ontario, toddobaadkii hore  ayaa tidhi :” waxaan ahaa 17 sano, waxaana aan gaadhay wakhtiga bixinta dhiigga, subaxdaa waan caafimaad qabay ka dib baadhis la igu sameeyay. Laakiin markii aan bixiyay dhiigii gebi ahaanba waan is bedelay”.

Waxa ay sheegtay in markii gacanteeda la geliyay irbada ay wax is bedeleen iyadoo dhiiga ka soo baxayay ay is weydiiyeen kooxihii qaadayay, laakiin gabadha igu xidhay ayaa caadi inuu yahay u sheegtay.

Waxa gabadhu intaasi ku dartay in wakhtigii ay dhiig bixinaysay ay shaqaalihii faallo ka bixiyeen sida oksijiinka dhiigeedu u muuqda, waxaana ay muujiyeen in dhiigu ka iman karo halbowle halkii uu xididka uu noqon lahaa. Dhiigga waxaa caadi ahaan laga qaadaa xididka maaha halbawlaha maxaa yeelay waa geedi socod sahlan oo xanuun yar mana jiro cadaadis badan xididdada.

Ekman waxa kale oo ay tidhi : “ Mudada dhiig bixintu waxay ahayd qiyaastii 10 ilaa 15 daqiiqo ka dib waxaan bilaabay inaan dareemo wax khaldan yihin. Mar hore ma aanan bixin dhiig, sidaa darteed ma aan ogeyn in xaalku sidan yahay iyo in ay aniga waxa iga khariban yihiin.

Markii aan mid ka mid dumarka ka sheqeeya goobta u sheegay in aan xanuun ka dareemayo gacantana waxay iigu jawaabtay Dhakhtarka u tag. Ekman waxa ay sheegtay in dhakhaatiirtu aanay awoodin in ay go’aamiyaan in wax khaldan yihiin sidaa awgeed guriga ayaan ku soo noqday.

Toddobaadyadii xigay, Ekman waxay sheegtay in gacanteedu cidhiidhyoontu iyadoo kor u qaadikari waday,  waxaana ay yeelatay nabar ka soo baxay curcurka ilaa garabka. Sida ay Ekman sheegtay Gacanteeda ayaa barartay, aadna waa ay u xanuunaysa, midabkeeduna waa uu is bedelay kor ilaa hoose. Intaasi waxa ay ku laabtay isbitaalkii madaama xanuunku sii kordhay.

Laakiin markii ay isbitaalka soo gaadhay waxa loo sheegay in xaalad degdeg ah oo nolol badbaadin ah la gelinayo. Isla markiiba waxa loo gudbiyay Ekman khabiir ku takhasusay xididdada dhiigga ee Barrie, Ontario.  Baadhista dhakhtarka ayaa go’aamiyay inay ka dhiig baxeyso halbowle gacanta, taasina ay halis tahay, hadaana dhakhso wax looga qaban.

Ekman ayaa tidhi : “ Way badbaadiyeen noloshayda sida aan u arko, laakiin noloshaydu kuma ay noqon sidii ay ahayd kahor inta aanan dhiig bixin.”

Leave a Reply