Carwada 9-aad ee Somaliland oo lagu Qabanayo Burco

0
488

Hargaysa(Dawan):-Carwada 9-aad ee ganacsatada Somaliland,ayaa lagu qabanayaa xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa ka hadlay wakhtiga rasmiga ah ee ay Qabsoomi doonto Carwadii 9-aad Ganacsiga Somaliland.

Jamaal Caydiid oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Carwadii 9-aad ee Ganacsiga Somaliland ay 20 bisha January ee Sannadka 2021 ay ka qabsoomi doonto Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheeer,waxaanu ugu baaqay Ganacsatada in ay ka soo qayb galaan Carwadaas”Waxa aan ku dhawaaqayaa in Carwadii 9-aad ee Somaliland lagu qaban doono 20 bisha January ee 2021 Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer,sidaa daraadeed Ganacsatada Somaliland meel kasta oo ay joogaan waa in si mugleh ay uga soo qayb galaan Carwada 9-aad,waxaanay faa,iido u leedahay Carwadu Ganacsatada waxay hayaan ama wax soo saarkooda oo ay ku soo bandhigaan Carwada Dadweynuhu ka Faa,iidaystaan oo ay ka helaan waxa ay doonayaan,muhiimada ay Carwadu leedahay waxa weeye in Bulshadu is dhex gasho waxaanan ugu baaqaynaa Ganacsatada Gobolada dalka oo dhan in ay ka soo qayb galaan Carwada 9-aad ee Somaliland,”.ayuu yidhi.Jamaal Caydiid.

Sidoo kale Gddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland ee Gobolka Togdheer Mustafe Sheekh Muxumed ayaa ugu baaqay Ganacsatada Gobolka Togdheer in ay ka soo qayb galaan Carwada 9-aad ee Somaliland.waxaanu yidhi”Waxa ay nasiib u yeelatay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer in lagu qabto Carwadii 9-aad ee Somaliland,waxaana looga baahanyahay dhamaan Ganacsatada Gobolka Togdheer ee kala duwani in ay ka soo qayb galaan Carwadaas,”.

Leave a Reply