Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo kormeeray goobaha Diwaangelinta Balligubadle iyo Sallaxley

0
444

Baligubadle (Dawa) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta kormeeray goobaha diwaangelinta codbixiyeyaashu ka socoto ee Magaalooyinka Balligubadle, Sallaxley iyo deegaannada hoos taga.

Guddoomiyaha ayaa u kuur galay sida ay u socoto diwaangelinta codbixiyeyaashu waxaanu bulshada ku boorriyay in ay qaatan kaadhka si ay u gudan karaan xaqooda doorashada.

Guddoomiyaha ayaa maalmihii u dambeeyay ku guda jiray kormeer indho indhayna oo ku aaddan habsami u socodka diwaangelinta codbixiyeyaasha.

Leave a Reply