“Saxaafadda Somaliland waxay Haysataa Xoriyad ka Ballaadhan Ta Mareykanka”

0
511

Hargeysa (Dawan):- Wariye ka socota Telefishanka luuqada Afka Carabiga ku hadla ee Al Carabiya, oo magaalada Hargeysa wareysi kula yeelatay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed,ayaa wasiirka wax laga waydiiyay heerka xuquuqda aadamaha ee Somaliland,arrimaha doorashooyinka iyo dimuquraadiyadda.

Waraysigaas oo dhinacyo badan uu wasiirku faah faahin kaga bixiyay ayuu kaga hadlay heerarkii kala dambeeyay ee dawladnimada Somaliland ay soo martay iyo waxyaaba u qabsoomay
Wasiirka oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay dimuquraadiyadda Somaliland iyo siday ugu hirgashay dal aan wali la aqoonsan,ayaa ku jawaabay.“Bilowgiiba hannaanka dawladdnimada ee Somaliland waxaa uu ku bilaabmay hab Dimuquraadi ah, islamarkaana uu nidaamkaasi ku kobcay gudaha dalka, iyadda oo la ansixiyay dastuur sicad u qeexaya in Somaliland lagaga dhaqmo hannaanka xisbiyada badan, dastuurkaasi ayaa sidoo kale waxaa uu ilaalinayaa xuquuqda muwaadiniinta ee dhanka siyaasada iyo xuquuqaha kale ee aasaasiga ah, waxaana dastuurkaasi ogolaaday boqolkiiba toddoba iyo sagaashan bulshada Somaliland, intii Somaliland jirtay waxaa aanu qabanay afar doorasho oo madaxtinimo, baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka waxaa doortay dadweynaha, imika waxaa aanu qaban doona doorashooyinka baarlamaanka”

Wasiirka ayaa wax laga weydiiyay heerka ay Somaliland ka joogto xuquuqda aadamaha, iyo xoriyada warbaahintu,waxaanu iftiimiyay in Somaliland ay tahay dal xoriyadda Saxaafadda aad u illaaliya isla markaana xoriyadda ay saxaafaddu dalka ku haysataa aanay ka jirin dalal badan oo caalamka kuwa ugu dimuquraadisan ah.,waxaanu yidhi. “Somaliland dastuurkeedu waxaa dammaanad qaadayaa xorriyada saxaafada iyo xuquuqda aadamaha ee muwaadiniinta, sababto ah Somaliland waxaa ka hawlgala in ka badan 20 Telefiishan, iyo iyo tiro badan oo wargeysyo ah waxaanay haystaan xoriyad ballaadhan oo ka badan mida taalla Mareykanka”Ayuu yidhi wasiirka arrimaha guddaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlayay Tv-ga Afka Carabiga ku hadla ee Al Carabiya.

Leave a Reply