Gabiley: Fool-hallowgii Hashiisa ayuu ku ogaaday goobta Diwaan-gelinta

0
332

Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo gashay maalintii afaraad, iyadoo safafku camiran yihiin degmooyinka Xadka…
Warbixin. Saleebaan Kalshaale

Wajaale(Dawan)-Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee ku-celiska ah ayaa maalintii Afaraad ka socota Deegaamada gobolka Gabiley, halkaasoo ay ka bilaabantay 29/11/2020, si balaadhanna loogu soo baxay.

Diwaan-gelintan oo ay fulinayaan guddida Doorashooyinka Qaranka JSl, ayaa saddexdii maalmood ee ina dhaafay u socotay si habsami iyo nabad-gelyo ah, waxaana goobaha kormeeray masuuliyiin ka tirsan asxaabta Qaranka, laamaha Xukuumadda iyo Guddida Doorashada, kuwaasoo indho-indhayn ku sameynayey sida ay howshu u socoto, dadweynaha ku baraarujinayey in ay is-diwaangeliyaan.

Geesta kale, Iyadoo ay Diwaangelintu maanta gashay maalintii Afaraad oo qorshuhu ahaa in laga soo gebagebeeyo goobaha la dhigay ee degmooyinka ka baxsan Caasimada gobolka, ayaa haddana shalay xarumaha ku yaalla Deegaamada xadka ku teedsan waxa ay dadku ku jireen safaf dhaadheer, taasoo looga tusaale qaadan karo in codbixiyeyaal badani wali baaqi ka noqon karaan qaadashada Kaadhka oo ay u baahan yihiin in wakhti dheeraad ah la siiyo.

Magaalada Tog-wajaale ee xudunta u ah Ganacsiga iyo isu socodka Bulshada ee Dalalka Somaliland iyo Itoobiya oo ah magaalada labaad ee ugu dadka badan gobolka oo Wariye ka tirsan Wargeyska Dawan booqday goobaha Diwaangelintu ka socoto qaarkood, ayaa waxa uu ku arkay dad meello fog-fog uga yimi diwaan-gelinta oo safaf dheer ku jira, kuwaasoo u badan dadka reer guuraaga ah ee xuduudda labada dal ka talowsan.

Shacabka ku Dhaqan gudaha magaalada, ayaa laftoodu qayb ka ah isdiwaangeliyayaasha mashquuliyey goobaha, waxaana jira dad badan oo aan hore u qaadan Kaadhka oo ka faa’idaysanaya fursadan ku-celiska ah.

Diwaan-gelintii gobolkan laga fuliyey sanadkii 2016, ayaa ku beegantay wakhtigaas Abaarrihii Dalka ka dhacay oo saameyn ku yeeshay bulshada ku Dhaqan gobolka oo meelo ka baxsan xadka u hayaamay, gaar ahaan gudaha Itoobiya, halkaasoo dib uga soo noqoshadeedduna ku adkaatay intii ay socotay diwaangelintu,kaddib markii isu socodka xuduudka Labada Waddan uu caqabad ku noqday maamulkii ka jiray gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Sidaas-darteed Hayaankii Abaarta iyo caqabadihii Xadka ka jiray sanadka, ayaa sabab u ah inay iminka dad baaxad leh Iska soo xaadiriyaan goobaha diwaan-gelinta, khaasatan kuwa la dhigay degmooyinka Xadka oo aad uga saxmad marka la Barbar-dhigo Deegaamada kale.

Dhinaca kale, Meelaha qaar waxa loo aanaynayaa in dad badani isku soo gaadhaan goobaha gaabis dhanka shaqada ah, taasoo iyadana loo nisbaynayo xagga farsamada ee dhamaystirka shuruudaha looga baahanyahay muwaadinka.

“Dadka qaar ayaa la waayayaa Indhahooda oo wakhti badan lagu celcelinayaa Qalabka Indhaha lagu sawirrayo”ayuu yidhi mid kamida Cuqaasha degmada Wajaale ee howsha diwaangelinta ka qayb-qaadanaya oo aanu kula kulanay goob ku taalla degmada Wajaale.

Sawirka indhaha ayaa ah kan ugu muhiimsan ee xaqiijinta aqoonsiga isha qofka, taasoo lagaga hortegayo in codbixiyuhu codeeyo hal mar wax ka badan marka uu isdiwaangeliyo, haddii uu laba jeer iyo ka badan ku noqdo diwaangelintana waa uu ka gubanayaa.

Si kastaba ha ahaatee guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa la filayaa inay goobo cayiman u kordhiyaan wakhtiga loogu talogalay markii hore inay ka socoto Magaalada Wajaale oo ah xudunta culayska dadweynaha is-diwaangelinaya, laakiinse wali war rasmi ah kama soo bixin guddida Doorashooyinka Qaranka ee heer qaran, gobol iyo degmo.
Dhanka kale, inta badan Deegaamada gobolka ee aanu booqanay, ayaa Saraakiisha goobaha diwaangelinta shaqaynayaa warbixin toggan ka bixiyeen habsami-u-socodka diwaangelinta.

Mid kamida muwaadiniinta kaadhka codbixinta qaatay oo Wargeyska Dawan la hadlay ayaa isna sheegay “saaka oo dhan ayaan ku jiray, waxaan ka imi Geellii, iminka (galab) ayaan galay diwaan-gelinta, Geelllina halbaa Fool-halowday oo iminka laygu sheegay meel Gabiley iyo Arabsiyo u dhaxaysa”ayuu yidhi Cabdilaahi oo aanu magaalada Arabsiyo kula kulanay.

Dadka cusub ee Diwaangelinta gelaya ayaa isugu jira dad qaan-gaadhay intii ka dambeysay 2016, kuwo diwaan-gelintii hore uga habsaamay sabab la’aan iyo qaar xilligan dani ku badday isugu diwaan-gelinaya si ay uga qaybgalaan Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo isku sidkan.

Waxaanay taasi muujinaysaa in diwaan-gelintani ka xamaasad iyo abaabul badantahay tii hore, sababtuna ay tahay dadweynaha oo u arka inay mudnaan gaar ah u leedahay Doorashada soo socotaa, maadaama ay dooranayaan dadkii ku meteli lahaa Goleyaasha aan xusnay.

“Waxaan doonayaa in aan soo saaro oo aan ugu codeeyo xildhibaannada noo sharaxan, laakiinse markii hore dee waxba igamay gelin”ayey tidhi haweenay ka soo baxday goob diwaangelineed oo degmada Allay-baday ah.

Goobaha diwaangelinta ee Magaalada Wajaale, ayaa xalay 8:00 la xidhay iyadoo dadku safkii ku jiraan, kaddib markii ay shaqaalaha Komishanku Iskood u daalleen, sida uu qof goob-jooge ahaa u sheegay Dawan, taasoo ah arrin kale oo sawir ka bixinaysa baaxada culayska mashruucan Qaran.

Ugu dambeyn maanta ayaa la sugayaa go’aanka guddida Doorashooyinku ka soo saaraan degmooyinka ku andacoonaya in loo kordhiyo wakhtiga iyo wajiga labaad ee Diwaangelinta.

Leave a Reply