“Bulshada Gobolka Sool Waxaan ka Codsanayaa in ay la Shaqeeyaan Booliska” Wasiirka Warfaafinta

0
427

Laascaanood (Dawan): Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa ku booriyay bulshadda gobolka Sool in ay booliska kala shaqeeyaan hawlaha nabadgeliyadda. Waxaanu tilmaamay in gobolka Sool ay hadda ka hanno qaaday xaalad deganaanshiyo amni ah.

Taasoo u keentay gobolka inuu ku tallaabsado horumar balaadhan oo dhinacyo kala duwan leh. Sidaas darteedna bulshadda gobolkaasi looga baahan yahay in ay ciidamadda amniga kala shaqeeyaan sidii nabadgeliyadda loo sii joogtayn lahaa.

Waxaanu yidhi, “Ummada gobolka Sool ku dhaqan, hadda waxaa ka muuqata in ay dalkii maalgashanayaan. Markaad eegto siday magaaladu u fiday, waxaa ka muuqata horumar balaadhan.

Qodobka aynu rabno un aynu Gacmaha isugu gayno ka xukuumad ahaan, ka gobol ahaan, ka degmo ahaan, iyo ka dad ahaan iyo ka aqoon yahan ahaan, iyo ka wax garad ahaanba, waxa weeye nabadgeliyadda.

Nabadgeliyadda bilayska oo keliya kama shaqayn karro. Waxaynu rabnaa in aynu bilayska la shaqayno. Waana in aan si dhaw ula shaqayno booliska”.

Saleebaan Cali Koore, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad loo sameeyay furitaanka xafiiska bixinta Liisamadda gaadiidka gobolka Sool oo Khamiistii doraad lagu qabtay magaaladda Laascaanood.

Wasiir Koore, ayaa Carrabka ku adkeeyay saamaynta xun ee ay qaybaha kala duwan ee bulshadda ku yeelato haddii ay nabadgeliyadu xumaato.

“Haddii nabadgeliyadu unaga xumaato, qof kastoo inaga mid ah way taabanaysaa dhibaatadeedu.

Ka Shaaha iibiya, ka Milyan-neerka ah, ka hantiilaha ah, ka ganacsadaha ah, iyo ka xanuunsanaya ee cusbitaalka yaalla, iyo ka Shiikha ah, intaba way taabanaysaa.

Waxay u taabanaysaa si toos ah iyo si dad ban” ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.

Geesta kale, gobolka Sool waa gobolka ay ka hawl galaan ciidamadda ugu badan ee Somaliland oo boolis iyo milateriba isugu jira.

Wasiirka warfaafinta ayaa arrintaa sababteedda u Sibir-saaray in ay leeyihiin bulshadda gobolka Sool.

Waxaanu sheegay in ciidamadaa faraha badan aanay waxba qaban karin haddii aanay bulshadda gobolku gacansiinin.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaan is leeyahay intii kale Waddo fiican bay ku dhaceen, oo Waddo fiican baynu u wadda wadnaa. Qodobka inoo hadhsan, ee u baahan in aan gacmaha isku qabsani, waxa weeye nabadgeliyadda.

Ciidanka ugu badan baa jooga gobolka Sool, ee ay dawladda Somaliland leedahay. Waxaan anigu qabaa inuu dadweynuhu leeyahay arrintaa. Ciidanka booliska iyo ciidanka Milaterigu uma shaqayn karaan si feejigan, oo dheeraad ah, haddii aanu shacabku la shaqaynin”.

Dhinaca kale wasiir Koore, ayaa dar-daaran u diray bulshadda gobolka Sool, maamulka gobolka iyo saxafiyiinta gobolka ka hawl galla.

“Dadweynaha waxaan ka codsanayaa inay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka. Maamulka gobolka na waxaan ka codsanayaa in ay laban laabaan feejignaanta iyo talladda iyo isku xidhnaanta iyo sidii shebekad nabadgeliyo oo sugan, aynu gobolka uga samayn lahayn inagoo Gacmaha is wada haysana. Inagoo cidna aan ku riixaynin, ee ay tahay masuuliyad ina wada saaran. Weriyeyaashana waxaan ka codsanayaa, iyaga qudhoodu inay xagga fiican ka shaqeeyaan, oo ay wanaaga badiyaan” ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.

Leave a Reply