Cadaadley: Wasaaradda Deegaanka oo Burburisay Dhuxul Sharci-darro ah

0
486

Cadaadley (Dawan): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa deegaanka Cadaadley ka burburisay Dhuxul fara badan oo la shiday.

Wasaaradda oo kaashanaysay maamulka degmadda Cadaadley oo ka tirsan gobolka Maroodijee, iyo ciidamadda booliska ayaa soo maray meello kala duwan oo hoos yimaadda degmadda Cadaadley.

Hawl galkaasi waxaa hor kacayay isuduwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobolka Maroodijeex C/raxiin Ismaaciil Cabdi.

Waxaanay burburiyeen Godad badan oo Dhuxul lagu shiday iyo dhir fara badan oo wax tar ahayd oo la jaray oo loo diyaariyay in Dhuxul laga shido.

Guddoomiyaha degmadda Cadaadley ee gobolka Maroodijeex Cumar Nuur, ayaa

digniin u diray dadka ku halan Dhuxulaysiga oo xaaluf daran ku haya deegaanka.

Iyadoo cidii falkaasi lagu qabtana sharciga la marsiin doonno. “Waxaanu ka soo baxnay degmadda Cadaadley, anagoo kormeer iyo sahan ku soo marnay meello fara badan. Waxaanu soo burburinay Godkan aan imika dul taagan nahay, oo Dhuxul lagu shidayay. Kaasoo ilaa 4000 oo geed oo la soo jaray lagu gubay, oo ahayd dhirta intii ugu wanaagsanayd, ee wax tarka lahayd, oo la xasuuqay.

Iyadoo loo diyaarinayaya in Dhuxul la gubo, kadibna Dhuxul laga dhigo, oo kadibna la iib geeyo”ayuu yidhi guddoomiyaha Cadaadley.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaanu u nimid iyadoo ay ka yaaceen dadkii shidanayay Dhuxushani. Waxaanu ku soconay qorshe, waanan garanaynaa, waana la helayaa, magacyadoodii waanu haynaa, ilaa gaadhigii qaadayay”.

Isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Maroodijeex C/raxmaan Ismaaciil Cabdi, ayaa balan qaaday in ay ku tallo jiraan sidii ay deegaamadda degmadda Cadaadley hoos yimaada uga suulin lahaayeen Dhuxulaysiga.

Waxaanu yidhi, “Halkan waxaad aragtaan in lagu gabood fallay, oo la xasuuqay dhirtii, oo Dhuxul laga shiday. Waxaanu ku tallo jirnaa in aanu degmadan hawshaa ka soo gebagabayno, oo aanu la kaashano masuuliyiinta degmadda iyo dadweynaha.

Dadkii waxan sameeyay waanu daba gelaynaa. Gacanta ayaana lagu soo dhigi doonaa, iyo baabuurtii Dhuxusha qaadaysayba.

Leave a Reply