Dhaqanka iyo Suugaanta

0
774

Todobaadle ka faallooda arrimaha dhaqanka iyo Suugaanta…Diyaariye. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Waa kuma Macalinka reer Somaliland ee Cadaanka Maraykanka bara Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida?
Bilowgii Ilbaxnimooyinka caalamka nidaamyadii hogaaminayey waxa ay dedaal dheer ugu jireen sidii dunida ugu faafin lahaayeen dhaqamadooda iyo luuqadahooda.
Sidii ay Dawladdihii Islaamka ee kala dambeeyey uga shaqaynayeen fidinta Dacwada Islaamka, ayey Dalalka adduunku falsafadahooda gaarka ah iyo xadaaradaha ugu faafiyeen dunida qaybo kamida.
Sababtoo ah dhaqanku wuxuu kamid yahay Hantida dal leeyahay, waxaana ilaaliya oo caalamka gaadhsiiya isagoo xigmadaysan dawladda, haddii ay dawlad la’aani jirtana dhaqan jiri maayo.
Fanka iyo dhaqanka Soomaalidu waxa la sheeggaa in uu ugu fiicnaa amma ugu horumarsanaa tobankii sannadood ee ugu horeeyey maamulkii Milaterigu hogaaminayey ee uu madaxda ka ahaa ย Siyaad Barre , xilligaasoo Milaterigu ku tabaniyey in uu bulshada ku jiheeyo, kuna fuliyo aragtiyihiisa siyaasaddeed.
Hase yeeshee, markii uu burburay nidaamkaasi ee laga takhalusay dawladdii Siyaad Barre, waxa raacay oo aan dib u soo kabashadiisa si dhab ah loogu wada guulaysan dhismihii fanka iyo Dhaqanka, inkasta oo ay Jamhuuriyada Somaliland markii ay xornimadeeda ka qaadatay ย dawladnimadii ka unkantay uu badbaadiyey qormooyinka dhaqanka iyo Fanka.
Waxaana xaqiiqo ah in marka horeba Bulshada Somaliland xagga Dhaqanka iyo suugaanta kaga horeeyeen Soomaalida, taasoo ina tusinaysa in qof kasta oo ka soo jeeda Somaliland meel uu jooggaba uu noqonayo danjire Dhaqan.
Sidaasi darteed, Axmed Ismaaciil Yuusuf oo ku nool Dalka Maraykanku waa bare u dhashay Somaliland, gaar ahaanna ka soo jeeda Gobolka Sanaag.
Waxa uu macalin ka yahay Dugsiyada sare ee Gobolka Minnesota, gaar ahaan Degmada Mineapolis oo uu ka dhigo Luuqada Afka Soomaliga, hase yeeshee waxa intaasi u dheer in uu ย Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaalida u soo bandhigo ย bulshooyinka ku dhaqan gobolka Minnesota.
Macalinkan ayaa arday badan oo aan Soomaali ahayn baray hees Soomaali ah, kuwasoo kusoo bandhigay masrax weyn oo ku yaala Minneapolis,kaas oo ay si weyn ula dhaceen dadkii daawday.
Bandhiga oo la qabtay sanadkii hore, ayey si aad ah warbaahintu u tebisay, waxaana Masraxa ka soo muuqday Koox Arday cadaan ah oo si qurux badan ugu luuqaynaya heesta Soomaaliga ah, taasoo markii loo bedelay luuqada Ingiriisiga xiiso badan yeellatay.
Macalin Axmed oo bandhiga kaddib waraysi muuqaal ah siiyey BBC-da, ayaa sheegay in uu horumar badan ka sameeyey sidii uu dadyowga cadaanka ah u bari lahaa Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida.
“Waxaan ka shaqayaa Dugsiyada sare ee Degmada Mineapolis gobolka Minesota, macalin baan ahay Afsoomaaliga dhiga. xarunta Waxbarashada ee Degmada dugsiyada dadweynaha ee magaalada ayaa i weydiisatay in aan soo curiyo hees Soomaali ah oo loosoo bandhigo dadyowga kala duwan ee ku dhaqan halkan, markaa heestii, midhaheedii aniga ayaa curiyay, waxaanan heesta kasoo qaatay Ciyaarta Ceerigaabo luuqdeedii, laakiinse Erayada midho cusub oo aan curiyey”.
Axmed oo sii wata hadalkiisa ayaa ka waramay dulucda iyo dersiga ay bixinayso heestani “Midhaha heestu waxbarasho ayey ku saabsanyihiin, waxaa qaadaya heesta carruur isku jir ah, balse u badan caddaan, gabadh Soomaali ah oo kaliya ayaa ku jirta”.
Waxa uu sharaxay micnaha iyo qiimaha ay isaga u leedahay hees dhaqameedan uu curiyey, waxaanu tilmaamay “Qiimaha ย heestani ay ย leedahay waxaa ka mid ah in ay dhaqankii xambaarsantahay, Ceerigaabo oo aan ย anigu ka imid asalkaygii hore oo aan doonayay inay muuqato, aniga oo taataabanaya meelihii ugu qiimaha badnaa sida Calmadoow, Daallo, iyo biyihii Ceerigaabo oo ay dad badani u ooman yihiin oo ilaa iminka aan tebayo macaankoodii”
“Carruurtu markii ay heesta qaadeen ee ay Af-somaali ku heesayeen, ee haddana Ingiriisi loo bedelay aad waxa ay uga heeleen qaybta Afsoomaaliga”ayuu raaciyey xog-warankiisa.
Tiyaatarka lagu soo bandhigay Heestan waxa ku sugnaa in ka badan 800 qof oo wuu buuxay.
Midhaha Heestan waxa kamid ah “Bilcaneey Calmadooweey, Biyihii Ceerigaaboodeey, Baxsan daallaheediiyeey”ayaa kamida ereyada heestan oo uu ku luuqaynayo Wiil Cadaan ah, labaataneeyo kalena xagga dambe uga jiibinayaan.
Ardayda ayaa sidoo kale jiibta iyo Sacabka si tolmoon isula helaya, waxaana bandhiga ku wehelinayey Macalimiin kale oo Cadaan ah fagaaraha la taagnaa Ardayda.
Qorshaha curinta heestan waxa ku wehelinayey Nin Musicien ah oo u dhashay dalka Maraykanka, kaasoo ku ladhay tumista Muusiga, hase yeeshee Bandhiga Heesta iyo Ciyaarta looma tumin wax Muusik ah.
Si kastaba ha ahaatee, maaha markii ugu horaysay ee ay Soomaalida ku nool Waddanka Maraykanku fagaareyaal ku soo bandhigaan dhaqankooda, hase yeeshee Axmed waxa uu sameeyey arrin ย aan inta wadamada ay Soomaalidu degen tahay ka dhicin, taasoo ah in Qof Soomaali ahi dadka dalka uu degen yahay si qoto dheer u baro Hidaha iyo dhaqanka dalkiisii hooyo.

Leave a Reply