Mooshin Golaha Guurtiddu ka Keeneen Hay’adda UNDP oo Jabay

0
433

Hargeysa (Dawan) Mooshikii laga keenay hay’adda UNDP, ayaa jabay kadib markii shuruudihii looga baahnaa la waayay.

Mooshinkaasi oo ay soo gudbiyeen 15 mudane oo uu mid hore uga baxay ayaa maanta 14 mudane mooshin ay ku sexeexan yihiin laga hor akhriyay golaha.

Mooshinkan waxa ka noqday afar mudane, waxa ka maqnaa saddex mudane, waxa ogolaaday toddoba mudane.

Hadaba mooshinkaasi muu helin mudanayaashii xeerku u ogalaa oo ahaa 11 mudane, sidaasi ayaanu ku qabay.

Liiska Mudanayaasha soo gudbiyay Mooshinka

1- Xil Maxamed Cabdiraxman     Maxamed     Maqane

2- Xil Cabdicasiis Maxamed  Gaaxnuug            Maqane

3- Xil Mulhtaar Maxamed Cabdillaahi     Maqane

4- Xil Cabdikariim Sheekh Cumar  Fure              Maqane

5- Xil Mubarik Axmed Jamac           ka baxay

6- Xil Cabdiraxman Cisman Xasan        ka baxay

7- Xil Axmed Xaaji Cabdi Xuseen     ogolaaday

8- Xil Axmed Yusuf Sheekh Axmed   ogolaaday

9- Xil Muuse Xaaji Cabdi                       ogolaaday

10- Xil Saleban Garas Seed  laga been abuuray

11- Xil Cali Siciid Cali                         ka baxay

12- Xil Badel Sheekh Khaliif            ma ogoli

13- Xil Siciid Maxamed Cisman       ogolaaday

14- Xil Axmed wali warsem               ogolaaday

Leave a Reply