Weedha Wargeyska Farmaajo: Habar Dhaliweyday Aleelo ku Waalatay

0
446

Hargeysa (Dawan) Xulufada kala danta ah ee Somaaliya ka midka tahay ee isku bahaystay, inay Badda gacanka cadmeed ka noqdaan Ciidamo Ilaalo ka ah gacankaas Badda Cadmeed, waa mid la odhan karno waa hindise dhallanteed ah, waayo inta isku soo urursatay uu mid walba iin, godalloolo ama damac siyaasadeed oo uu ka leeyahay Badda gacanka Cadmeed ayuu ka dhex arkay inuu ku gaadhi karo ku biiridda Ururkaasi Sida, Sucuudi Areebiya oo quudarraynaya inuu ka gaasshaan-buuraysan karo dalka Iiraan oo ku haya cabsi xooggan iyo Somaaliya oo aan wax xuduud ahba la wadaagin Badda Gacanka Cadmeed, balse kaliya aad u jecel abaabulka iyo ku biirista Isbahaysigaa, si ay Somaliland ugu gorayo-khaakhlayso.

 

Jamhuuriyadda Somaliland oo kow ka ah dalalka kulaala Badda Gacanka Cadmeed,isla marlaana ah dalka ugu xeebta dheer, lagama talo gelin waqtigii lagu dhawaaqay dhismaha dalalka la sheegay, inay ku dhawaaqeen March 2020ka Isbahaysi iyo dhisme Ciidamo badeed oo ka hawlgala Badda gacanka iyo meelo kalaeba. Haseyeeshee Jamhuuriyadda Somaliland waxay si cad markiiba uga gacan-saydhay, dhismaha Ciidammadaas oo ay sheegtay, in aanay sinaba u aqbali doonin in Ciidammadaas lugta soo geliyaan xuduudaha biyaha Badda gacanka Cadmeed ee Somaliland, maadaama aanay jirin wax talo ah ku lahayn Ciidammadaasi.

 

Awood ayey u leedahay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, inay xuduudaha Baddeeda ka difaacdo cid kasta oo kusoo xadgudubta ama uu damac ka galo, ujeeddo kasta oo laga leeyahay. Dalalka Caalamka ee daneeya arrimaha Somaliland iyo Somaaliya, way ka war-qabaan khilaafaadka u dhaxeeyey labada dal soddonkii sanno ee la soo dhaafay, sidoo kalana si dhab ah ayey ogyihiin in aanay habayaraatee Xukuumadihii u kala dembeeyey Muqdisho wax shaqo ah ku lahayn nidaamka Maamulka Dawladeed ee ka jira/jiray Somaliland oo ah mid Dimoqraadiya oo ay shacbigu si toos ah usoo doortaan.

 

Dawladda Somaliland iyada oo keliya ayaa awood buuxda u leh, in cid allaale iyo cidday doonto isbahaysi la samaysato dal kasta oo dano siyaasadeed dhex mari karaan, isal markaana cid kale heshiis buuxa kula geli karta dal kale sida Imaaraadka Carabta oo ay Somaliland heshiis kuwada galeen horumarinta Dekedda Berbera, ayey maantana sdiaa si la mid ah cidda ay doonto Isbahaysi ka wada yeellan karaan Ilaalinta Badda Cas iyo Badda gacanka Cadmeed.

 

Qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland maaha mid gorgortan geli karta, waayo waa go’aan ay shacbigu qaateen, si ay iyagu aayahooda uga tashadaan,waana qaraar ay xaq u leeyihiin oo ku xusan dhammaan xeerarka Caalamiga ee Qaramada Midoobay iyo ka xuquuqda bani’aadanka. Sidoo kale Farmaaj-aha ka amar ku-taagleeya Muqdisho, waxa caado u ah in mar kasta oo Xamar ay ka kacaan duufaano siyaasadeed uu si naf la-caarinimo ah uga soo galgasho arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka raadinaya inuu Shacbiga Muqdisho kaga helo badhi-taageero siyaasadeed.

 

Tusaale ahaan waqtiyadii ay Farmaajo ku soo fool lahaayeen dabeylihii doorashooyinka ee Somaaliya, waxa uu mar kasta ku faani jiray, inuu Jamhuuriyadda Somaliland ka saaray cunaqabateyn deeqaha dhaqaale, isagoo iska indho-tiraya heshiisyadii hore looga wada gaadhay arrintaas, maanta oo ay uga hadhasan tahay muddadii xilka loo doortay wax ka yar laba bilood-na, wax uu nin aad u xil jecel oo ah shakhsi aan u miidaan dayin inuu yahay xil jira iyo in kale uu Farmaajo ku magacaabay Yuusuf Garaad, wax uu ugu yeedhay Ergayga gaarka ee arrimaha Bariga Afrika, Badda gacanka Cadmeed iyo Badda cas, si uu shacbiga uga helo taageero.

 

Horaa loo yidhi,( Habar dhali-weyday alleelo ku waalatay) waa xaaladda uu Farmaajo hadda ku jiree, waxanu leenahay waxba haku soo galgallan arrimaha Somaliland mar kasta oo aad cidhiidhi gashee, daydo doorkan meelo kale oo aad ku khiyaameyn shacbigaaga, waayo xeeladdani waa lagafu bartay, Yuusuf Garaad-na waxan u sheegayaa in meesha uu farta ugu fiiqay Farmaajo ee uu fadhiisanyaa ahayn kursi cad oo qurxoon, balse uu la mid yahay nin xumbo cuskaday oo kale.

Leave a Reply