Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka Somaliland oo Shaaciyay Tirada Dad Musuq-Maasuq lagu Eedeeyay

0
552

Hargeysa (Dawan) Hanti dhawrka guud ee Qaranka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in hay’addaha Garsoorka ay ugudbiyeen 19 eedeysane, oo lagu soo eedayay falal musuq maasuq.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Somaliland,  Axmed Yuusuf Dirir,  ayaa waxaa lagu sheegay in ay  hay’addaha garsoorka u gudbiyay 19 eedaysane, kuwaas oo badhkoodna la xukumay, badhkoodna gar-sugayaal yihiin.

Waxaa kale oo uu sheegay in xeerka ka hortaga ku tagrifalka hantida Qaranka iyo la dagaalanka musuq maasuqa dib u habeyn lagu sameyn doono, islamarkaana la horkeeni doono golayaasha dawladda, marka la dhaqangeliyo, ciqaabo kala duwana uu dul dhigayo cidkasta oo ku kacda falallka musuq maasuqa.

Hanti-dhowrahu sidoo kale waxaa uu  sheegay in sanadkaan 2020 ay qaadeen tallaabo kasta oo looga hortegayo Musuq-maasuqa, islamarkaana ay  culeyska saareen horumatinta xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed.

Ugu dambeyn Hanti-dhowraha guud ee Qaranka  Somaliland Axmed Yuusuf Dirir,  ayaa shacabka ugu baaqay in si wadajir ah looga wada-hadlo sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga arrimaha la xidhiidha  Musuq-maasuqa oo xilliyada qaarkood la sameeyo.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Somaliland,  Axmed Yuusuf Dirir oo soo gaadhay xafiiska Wargeyska Dawan, ayaa u dhigna sidan “Maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ki December,  2020 adduunka waxaa si guud looga xusaya maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay la dagaalanka musuq maasuq, maalintan oo lagu ansixiyay axdiga jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa ee la dagaalanka musuq-maasuqa, 31-ka October, 2003, islamarkaana la hirgaliyay sannadkii 2005-tii, Axdigan oo ay saxeexeen in ka badan 186, waddan hadaba sida la  isku raacsan yahay, musuq maasuqu waxaa ka mid yahay mushkiladaha adduunku ilaa hadda xal waara aanu u helin, kaas oo  caqabad ku noqday in badan oo ka mida horumarka aadamaha, sida lagu sheegay tirikoobka Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa sannadkasta waxaa adduunka laalluush lagu bixiya in ka badan 1-dollar,  Tirilion oo dollarka Mareykanka ah, sidoo kale waxaa la lunsaday qiyaas dhan 2.6-dollar Tirilion, taas oo u dhiganta in ka badan boqolkiiba sahn GDP-ga adduunka.

Hadaba Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo isha ku haysa cawaaqibka musuq-maasuqu ku leeyahay horumarka bulshada waxa ay qaaday tallaabooyin lagu xakameynayo nooc kastya oo musuq maasuq iyadoo cuslayska la saaray horumarinta xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed iyo kuwa isla xisaabtanka iyo dabar-gudeedyada, kuwaas oo ay barbar socotay in dib u eegis lagu sameeyo xeerka ka hortaga ku tagrifalka hantida Qaranka iyo la dagaalanka musuq maasuqa xeer Lr/38/2001, xeerkan oo wax ka baddelkiisa dhawaan la horkeeni doono golayaasha dawladda, waxaa uu ciqaabo kala duwan dul dhigayaa cidkasta oo ku kacda noocyada kala duwan ee musuq maasuqa iyo laaluushka, sidoo kale waxaa uu saamayn ku yeelan doonaa cid kasta oo cadayn  la’aan cid ku eedaysa in uu ku kacay musuqmaasuq.

Sannadkan 2020-ka xafiiska Hanti-dhawraha guud ee Qaranku waxaa uu hay’addaha garsoorka uu u gudbiyay 19 eedaysane, kuwaas oo badhkoodna la xukumay, badhkoodna gar-sugayaal yihiin.

Ugu danbeyn waxaa aanu ugu baaqaynaa dhammaan bulshaweynta Somaliland, in si togan oo wada jira looga wada hawlgalo sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa”

Leave a Reply