Xukuumadda Somaliland oo Hakisay dhismaha Taawarada cusub

0
409

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland, ayaa hakisay dhismaha dhammaanba taawarada cusub, si loo xafido hubinta iyo keydinta xogaha goobaha isgaadhsiinta.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in taawarada dhismahooda la hakiyay ay yihiin, kuwa ay dhistaan shirkadaha isgaadhsiinta iyo waliba dadka ganacsatada ahi.

Sidoo kale waxaa lagu yidhi qoraalkan ka soo baxay wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada, in aan wax taawar ah la dhisi karin illaa inta la dhammeystirayo hubinta signalada taawaradii hore u jiray.

 

Qoraalkan ka soo baxay wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada oo uu uu ku saaxeexna wasiirka wasaaraddaasi mudane Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi ayaa u dhigneyd sidan “Wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyaddu iyada oo gudanaysa waajibaadka ay Qaranka masuulka ugua tahay, sidoo kalena dardar-gelinaysa hubinta iyo kaydinta xogaha goobaha isgaadhsiinta si loo  xafido xogta goobaha isgaadhsiinta.

Hadaba iyada oo la hirgelinayo ujeedadaas wasaaraddu waxaa ay hakisay dhismaha dhammaan Taawarada cusub, kuwaas oo ay dhistaan shirkadaha  isgaadhsiinta iyo ganacsatada kala duwan ee dalka laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 9/12/2020 illaa inta ay wasaaraddu dhammeystirayso hubinta signalada taawaradii hore u jiray iyada oo la tixraacayo xeer nidaamiyadaha  dhismaha taawarada isgaadhsiinta xeer nidaamiye Lr.3/2020.”

 

Leave a Reply