Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa guddoomiyayaasha gudiyada ku amarnay in aanay masuul kaliya la balami karin saacadaha ay socoto shaqada goluhu.
Guddoomiye Baashe waxaa uu sheegay in aanay guddoomiyayaasha guddi hoosaadyada golaha wakiilada Somaliland, ay joojiyaan balanta wasiirada iyo masuuliyiinta hay’addaha saacadaha shaqada golaha lagu jiro, waxaanu ku wargeliyay in kaliya maalmaha Arbacada iyo Khamiista sagaalka subaxnimo wixii ka horeeyaa illa koob iyo tobanka uun ay balan sameysan karaan.
Guddoomiye Baashe isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Guddoomiyayaasha guddiyada golaha saacadaha la shaqeynayo sagaalka subaxnimo wixii ka danbeeya ila koob iyo tobanka ciddna balan lalama sameyn karo.
Guddiyadu wasiirada ama hay’addaha kale waxaa ay u yeedhanayaan sagaalka subaxnimo inta ka horaysa ama koob iyo tobanka maalmaha Arbacada iyo Khamiista, balse shaqadu marka ay socoto si shaqada goluhu si fiican innoogu socoto guddiyada goluhu lama balami karaan wasiir ama hay’add, midna lama balami karaan shaqooyinka inoo yaala ayaynu qabsanaynaa
Halkan ka Daawo