Madaxweyana Somaliland oo Maanta Kulan la Yeelanaya Madaxweynaha Kenya

0
511

Nayroobi (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland mudane  Muuse Biixi Cabdi, oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa maanta kulan la qaadan doona Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Kulanka oo ka dhici doona sida uu qorshahu yahay Madaxtooyada Nairobi ayaa waxaa looga hadli doona arrimo kala duwan oo ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Kenya iyo qodobo kale oo qorsheysan.

Wasaaradda arrimaha Dibadda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in  kulanka dhexmari doona Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi oo shalay gaadhay Magaalada Nairobi isaga iyo  wafti uu hoggaaminaayay oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in Somaliland ay muhiim u tahay Geeska Afrika marka ay noqoto la dagaalanka wax loogu yeedho argagixisada.

 

 

Leave a Reply