“Ma nihin Dad loo Adeegsado Dad kale” Madaxweyne Muuse Biixi Cabid

0
657

Nairobi-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Kenya ayaa ka hadlay ujeedada safarka shaqo ee uu ku jooga caasimada Nairobi.

 

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Kenya uu u jooga xoojinta arrimaha dhaqaalaha ,Amniga iyo dublomaasiyada ee labada dal. “Waa labo dal oo jaar ah, Geeska Afrika ku wada yaalla, mid waliba uu kan kale u baahan yahay marka waxaan u imid in aan kobcinno wax wada qabsigayaga iyo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, dublomaasiyadda, jaar wanaagga, nabadeynta Geeskan Afrika iyo caalamkaba,”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in booqashadiisa iyo khilaafka ka dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya aanay wax xidhiidh ka dhexeyn ka dib markii uu su’aal ka waydiyey Wariye ka tirsan Telefashanka BBC-du

“Malaha eraygaas la iskuma quudhi karo. tan kale Soomaali ayaynu nahay, annagu waxaan isu qabnaa in aan nahay kuwii Soomaali meel ay joogtaba wax tari lahaa ee ma nihin kuwii wax yeeleyn lahayn. Qofna ma rabno in aan dulmi ku sameyno. Waxa labada dal ka dhaxeeya haddii ay dhex gal waayeelnimo naga codsadaan, waynu kala dhex galeynaa, in aan xallino iyaga oo wada socda, haddii dal qudha naga codsadana dhex geli mayno. Midda Kenya na, noo quudhi meyso kana aqbali meyno, annaguna ma nihin dad loo adeegsado dad kale.”

Leave a Reply