Somaliland Iyo Kenya oo Wada Gaadhay Heshiis Taariikhi Ah

0
606

Nairobi-(Dawan)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wada jir ah u soo saaray shalay War murtiyeed ka dhashay wada hadaladii labada hoggaamiye yeesheen labadii maalmood ee u danbeeyay.

Wefdiga uu hor kacayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku jooga caasimadda Kenya ee Nairobi booqasho rasmi ah oo daba socotay martiqaad uu u fidiyay madaxweynaha Kenya .

Sida ku xusan war-saxaafadeedka wadajirka ah, waxay madaxweyne Kenyatta iyo madaxweyne Biixi isla meel dhigeen sii wadidda dadaallada nabadeed iyo danaha ay wadaagaan.

War Murtiyeedkan ayaa lagu sheegay in Labada hoggaamiye ay isku waafaqeen iskaashi ay ku raadinayaan nabadda gobolka, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada labada dhinac.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Intii uu socday wada-hadalka labada Madaxweyne ay si wadajir ah diiradda u saareen ballaadhinta Xidhiidhada ganacsi, xoojinta wada-shaqeynta gaadiidka dhinaca hawada, taasoo horseedeysa in la billaabo duullimaadyo toos ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa.” Ayaa lagu yidhi bayaanka.

Waxay labada madaxweyne ugu dambayn amar ku siiyeen mas’uuliyiinta xafiisyadooda inay hirgaliyaan shan qodob oo ay isla meel dhigeen, kuwaas oo kala ah:

1. Xoojinta xidhiidhka shacabka labada waddan ee Kenya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

2. Sare u qaadista isdhexgalka, ganacsiga iyo maalgashiga.

3. Adkeynta wada shaqaynta dhinaca amniga iyo isla wadaagidda xogaha sirdoonka si wax looga qabto falalka argagixisada, budhcadnimada internet-ka iyo dambiyada ay ku kacaan kooxaha laga soo abaabulo dibadda.

4. Xoojinta wada-shaqeynta ku wajahan arrimo ay ka mid yihiin horumarinta Beeraha, Xoolaha nool, Waxbarashada, Tamarta iyo gaadiidka

5. Sameynta tababarro iyo dhisitaanka xirfadaha bulshada.

Sida ku xusan war murtiyeedka wadajirka ah, labada hoggaamiye ee ku kulmay Nairobi waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu fulinayo , si loo muujiyo saameynta wada-shaqeynta ee ka dhalatay Heshiiskan labada dal wada gaadheen, Waxaana Qodobadaas ka mid ah.

1. In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaaladda Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka, Iyadoo Muddadaasna ay Somaliland sii horumarinayso howlaha xafiiskeeda Nairobi.

2. In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha kale ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos ah oo isaga kala gooshaya Magaalooyinka Nairobi iyo Hargaysa marka la gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.

3. In saraakiisha sar-sare ee liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u safraan,
“On arrival” iyaga oo sidoo kale ka goosan kara Internetka, Waxaana qodobkan la hirgalinayaa ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.

4. Sidoo kale hoggaamiyeyaasha labada dhinac waxay isla garteen inay is waydaarsadaan barnaamiyada horumarinta, sidda Ardayda, Dhakhaatiirta, kal-kaalisooyinka caafimaadka, khubarada beeraha iyo mihnad layaasha kale.

 

Leave a Reply