Anigu Ujeedkayga Waan Gaadhay!

0
867

Wuxu ahaa aabe qoyskiisa maalin kasta webiga uga soo  dhaamiya biyaha isagoo ku soo qaada garbihiisa laba weel ah oo isku xidhan.

Midkooda laba weelka ah waa uu daloolay oo biyaha ayuu daadin jiray waxaana guriga  gudihiisa uu soo gaadhsiin jiray kala badh intii uu webiga ka soo dhaamiyay. Sheekada mala awaalka xikmadda looga jeedo waxa ay sheegaysaa in Laba sano markii uu waday weelkii daloolay la hadlay oo ku yidhi :” Waxaan la yaabay dadaalkaaga haddana cidladda ku dhaamanaya, maalin kasta biyaha aad igu qaado kala badh way daataan, maxay tahay ujeedadu?”.

 

Aabah oo faraxsan ayaa oo ku yidhi weelkii daloolay :” Miyaanad u fiirsan ubaxyada dariiqa guriga qurxiyay  iyo khudrada baxday ee ay soo saareen biyahaaga daadanayay”.  “Midhaha gurigayga ka baxay adiga ayaa waraabiya aniguna waan gurtaa”. Haddii aanad daloolin midhahaasi iima bexeen, ujeedkaygiina waan gaadhay anigu”.  Ka buuxa waa ka aan caboo oo isagu ugama talo gelin inuu daato oo wax lagu beero. Waxa muhiim ah inaan aqbalano ficilada ay samaynayaan dadka aan la noolahay, wayo dhinaca aan arkayno maahe, dhinacyo kale ayaa jira”.

Leave a Reply