Dugsiyadii Shaaficiyada Ee Baqdaad

0
415

Fikardda ah in la sameeyo dugsi waxbarasho oo ah mid nidaamsan oo ardaydu ay subax kasta timaado iyagoo halkaasi ka helaya macalimiin iyo qalabkii waxbarasho ayaa curatay sanadkii 830 M, oo ah qarnigii sideedaad.

Dugsigii ugu horeeyay waxa laga furay magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq sanadkaasi oo muslimiintu ay ahaayeen quwad xoog ah. Muddo yar ka dib ayaa Jaamacad iyana ay ka fureen Morroco taasi oo ardaydu uga iman jirtay dalalka Yurub oo aan wakhtigaasi xadaarad waxbarasho ka jirin.   Dugsiyadaasi waxa ay ahaayeen kuwo dawladii Islaamiga ahayd ay bixin jirtay kharashka macalimiinta, laakiin waxa shuruud u ahaa in macalimiintu ay dhamaantooda noqdaan kuwa mad-habta shaaficiyada ah.  Qarniyadaasi oo luqadda Carabidu dunida haysatay ardaydu marka ay ku noqdaan dalalkooda Yurub waxay isticmaali jireen kelmado carabi sida maanta loo adeegsado weedho English ah.

Leave a Reply