Aqoontiisa Ayaa ka Dhigtay Maalqabeen!

0
551

Tony Robbins waa Maraykan qoraa, ganacsade, iyo hal abuur dhiiri geliya ah. Waxa uu dhashay 1960. Waxa uu jeediyaa muxaadaraad kala duwan oo dhiirgelinta ganacsiga iyo hal abuurka.

Bishan Spmetember 1da waxa uu muxaardaaro ka jeediyaya magaalada Mosco ee dalka Ruushka taasi oo uu ku qaatay lacag dhan 12 milyan doller.

Mawduucaasi waxa ka soo qayb dad gaadhaya 26 kun qof. Waxaana lagu dhaliilay inuu hal mawduuc oo saacado kooban socotay uu ku qaato lacag xadigaasi leeg.

Waxa kale oo la dhaliilay dadka ka soo qayb galay oo qaarkod ay ku galeen lacag dhan $ 2500. Kooxda soo qaban qaabisay ayaa khidmad ahaan u siisay Tony lacagtasi. Mawduuca marka internet laga iibinayo waxa la siistaa $ 50.

Tony Robbins ayaa loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay dadka ugu caansan ee ka hadlay dhanka ganacsiga, habka lacagta loo sameeyo, qorshayaasha dhaqaale abuur.

Leave a Reply