Madaxweynaha oo kormeeray goobaha Diwaangelinta codbixiyeyaashu ka socoto ee Hargeysa

0
499

Madaxeynaha JSL  Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan guddoomiye ku-xigeenka xisbiga talada haya, xubno kamida golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin ka tirsan asxaabta mucaaridka, ayaa kormeeray goobaha ay ka socoto diwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan caasimada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa isku maray in goobo kala duwan oo ku yaalla degmooyinka Magaalada, halkaasoo uu kula kulmay dadweyne safaf ugu jira qaadashada waraaqda codbixinta.

Waxa uu warbixin ka dhegeystay howlwadeenada Komishanka ee ku sugan goobaha uu booqday, kuwaasoo uga xogwaramay sida ay howshu u socoto.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Guddida Doorashada ayaa maalmo dheeraad ah ku daray wakhtigii loogu talogalay in ay diwaangelinta Degmada Hargeysa ku dhamaato, kaddib codsi ka yimi bulshada iyo culayska dadka doonaya in ay isdiwaangeliyaan oo afartii maalmood ku dhamaan waayey.

Leave a Reply