Dalka India Oo Tirada Dadka Laga Helay Covid-19 Gaadhay 10-Milyan!

0
543

Dalka Hindiya ee dhaca Qaaradda Aasiya waxaa kusii kordhaya faafitaanka Xannuunka Covid-19 sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaas oo maanta Sabti ah soosaartay warbixinta kiisaskii ugu dambeeyay ee la diiwaangeliyay.

Guud ahaan xaaladda dalkaas laga helay waa 10,004,825 (Toban Milyan, Afar kun, Siddeed Boqol, Labaatan & Shan), Dhimashadu waa 145,171 (Boqol, Afartan & shan kun, Boqol, Todobaatan & koow) halka guud ahaan ay ka bogsadeen 9,550,712 (Sagaal Milyan, Shan boqol & Konton kun, Todobo boqol, toban & labo).

India waa dalka labaad ee laga helay kiisaska ugu badan ee xannuunka dilaaga ah ee Coronavirus oo kasoo bilawday dalka Shiinaha, waxa uu ugu dambeyn isaga kala gudbay qaaradaha kala duwan ee Caalamka.

Bulshada Hindiya oo dhan 1,386,308,397 (Hal Bilyan, Saddex boqol, Sideetan iyo lex milyan, Saddex boqol & siddeed kun, saddex boqol, sagaashan & Todobo) waxa ay la dhibaatoonayaan Covid-19 iyaga oo markii hore dagaal kula jiray wax ka qabashada faqriga & shaqo la’aanta.

24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa baadhis laga sameeyay jidhkooda cudurka laga helay 26,991 (Labaatan iyo lex kun, sagaal boqol, sagaashan & koow) iyo dhimashada cusub oo ah 342-ruux sida ay shaacisay Xukuumadda Delhi.

Leave a Reply