Saylac oo laga Hirgelinayo Jaamacadii Ugu Horaysay

0
561

Saylac-(Dawan)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye iyo wefti uu hogaaminayo oo kormeer ku soo marayey gobollada galbeedka ayaa dhagax dhigay Jaamacadda Saacada-diin oo markii ugu horaysay laga hirgelinaayo gobolka Selel.

 

“waxa dhagax dhignay jaamacada Sacaadadiin , Illahay Jaamacad Khayr qabta caruurteena hawga dhigo” ayuu ydihi Wasiir Toorrana

 

Gobolka selel ee galbeedka Somaliland oo ah marin isku xidha Waddamada Somaliland ,Jabuuti iyo Itoobiya ayaan lahayn jaamacad , waxanay arrintan kor u qaadi doonta heerka aqooneed ee bulshada ku dhaqan gobolkaasi.

 

Dhinaca kale Deegaanka Cali-weeci oo ka tirsan gobolka Selel ayuu wasiirka ka dhagax dhigay dhisme dugsi.waxaanu kormeer ku soo maray dugsiga hoyga ah ee Cumar Qaadi ee degmada Cabdulqaadir oo ka tirsan gobolka Selel.

 

 

 

Leave a Reply