Somaliland iyo Taiwan oo Bilaabay iskaashiga Beeraha

0
535

Hargeysa-(Dawan)-Dawladdaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan ayaa shalay si rasmiya hashiis ugu wada gaadhay is kaashi la xidhiidha dhinac waxsoosaarka gaar ahaan beeraha.

 

Barnaamijka lagu horumarinaayo wax soosaarka dalka ayaa socon doona muddo shan sanno ah waxaana heshiishka si wadajir qalinka ugu duugay Mr. Mars Shiue iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Dr Axmed Cali Maax .

 

Heshiiskan ayaa daba socda heshiisyadii iskaashi ee hore ay u kala saxeexdeen Somaliland Iyo Taiwan, ayaa ku qotoma bilawga barnaamij lagu beerayo khudaarta noocyadeeda kala duwan sida Liinta , Saytuunka , Tamaandhada , Basasha iyo khudaarta kale ee bulshada Somaliland uga timaada dalka Itoobiya.

Dawladda Tiawan ayaa Somaliland ka caawinaysa dhinaca qalabka wax soosaarka iyo dalagyadda , xukuumadda Jmahuuriyadda Somaliland ayaa soo diyaarinaysa goobaha wax laga beerayo oo ah dhul leh biyo ku filan.

 

Madaxweynaha dalka Taiwan, Mrs. Tsai Ing-wen ayaa hore u sheegtay  inay ka go’an tahay inay Somaliland kala shaqeyso Arrimaha Beeraha, Kallumaysiga, Macdanta, Caafimaadka, Tamarta, Waxbarashada iyo Wararka iyo wada-xidhiidhka.

 

 

Leave a Reply