Dawladda Koonfur Afrika oo Caddaysey Taageeradeeda Qadiyadda Somaliland

0
769

South Africa (Dawan)- Wasiirka Waxbarasha Sare ee dalka Koonfur Afrika Dr Blade Nzimande ayaa muujiyay taageerada qadiyada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee dawladdiisa, mar uu ka hadlayey shir golaha dhexe ee xisbigiisu yeeshay.

Wasiirka Tacliinta Sare, Sayniska iyo Teknolojiyada Koonfur Afrika Dr. Blade Nzimande, ahna Xoghayaha Xisbiga Shuuciga oo ka hadlayey shirki golaha dhexe ee xisbigiisa ayaa muujiyey taageerada dalkiisa ee madaxbanaanida Jamhuuriaydda Somaliland, iyo sidoo kale taageerada midnimada dadka Swaziland ee u halgamaya dimuqraadiyadda, dadka reer Zimbabwe ee soo foodsaaray dhibaato dhaqaale oo baaxad leh.

Shirweynaha Golaha dhexe ee xisbiga Shuuciga ee dalka Koonfur Arika ayaa ku baaqay in la joojiyo dhamaan dagaalada ka socda qaarada Afrika, isla markaana iyada oo la danaynayo nabadgelyada iyo ammaanka si nabad ah lagu xaliyo khilaafaadka.
Dr Nzimande ayaa sheegay in xibiga shuucigu taageerayo qadiyada Falastiin iyo galbeedka Saxaraha, uguna baaqay Yuhuuda iyo Saxaraha inay joojiyaan gumeysigooda ay ku hayaan Galbeedka Saxaraha iyo dhulalka Falastiin.

Leave a Reply