Maamulka Degmada Dacarta oo ka xog-waramay sida Diwaangelintu uga qabsoontay Degmadaasi

0
480

Dacarta(Dawan)-“maalmihii hore oo dhan maan qaadan waan haleeli waayey, laakiinse maanta ayaa u dambeysa oo aan is idhi ka faa’idayso”sidaasi waxa tidhi Hooyo saddex dhal ah oo masaafo dheer u safartay si ay isugu diwaangeliso codbixiye Doorasho olollaha diwaangelinta codbixiyeyaasha oo todobaadkii u dambeeyey ka socday Gobolada Maroodi-jeex iyo Saaxil.
Dad badan ayaa ka faa’idaystay dib u furista diwaangelinta codbixiyeyaasha dalka laga qabtay sanadkii 2016, iminkana fursad la siiyey dadkii aan xilligaas gelin, kuwa hadda gaadhay da’da codeynta iyo muwaadiniintii Kaadhkoodu gubtay, kaddib markii ay hal mar wax ka badan is-diwaangeliyeen.
“runtii dad badan ayaa iska diwaangeliyey degmada iyo hareereheedaba oo ka kala yimi deegaamo fog fog. mudadaa ay socotay marka shaqada la bilaabo lixda subaxnimo ilaa todobada iyo badhka habeenimo ayaa lagu gaadhayey, markaa waad qiyaasi kartaa shaqada saacadahaa badan socotay miisaanka ay leedahay”sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha Degmada Dacarta Axmed Aw Xuseen Furre oo u Waramay Wariye ka tirsan Wargeyska Dawan oo kormeer ku tegay deegaamo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex oo ay diwaangelintu ka socotay maalmo dheeraad ah oo lagu daray afartii maalmood ee ay hore guddida Doorashadu ugu qorsheeyeen.
“runtii markii ay dadku ka baaxad bateen maalmihii loogu talo galay Komishanka Doorashooyinku waxa ay kordhiyeen saddex maalmood. maalintii koowaad iyo maalintii labaad markii culaysku batay ayaa xarunta degmada Komishanku goob kale noogu dareen, waanan uga mahad-naqaynaa. haddii aan goobta kale naloogu darin magaalada shaqadu may socoteen”ayuu raaciyey Guddoomiye Furre.
“waadigaa arka maanta oo ay tahay maalintii u dambeysay saddexda cisho ee dheeraadka ah ayey wali dadku safkii ku jiraan oo ay badan yihiin, iyadoo ay cimiladu xuntahay oo wakhti qaboobe ah lagu jiro haddana waxa aan dareemaynaa in dadku ay u samrayeen sidii ay kaadhka u qaadan lahaayeen”ayuu mar kale yidhi Guddoomiyuhu.
Degmooyinka iyo deegaamada kala duwan, waxa dadweynaha ku abaabulayey oo door weyn ku leh habsamida diwaangelinta waxgaradka iyo aqoonyahanka oo kaalin weyn ka qaadanaya sidii ay dadku isku-diwaangelin lahaayeen. sidoo kale murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ayaa qayb ka ah wacyigelinta bulshada, kuwaasoo taageerayaashooda ku dhiiri-gelinaya in ay is-diwaan-geliyaan.
Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar (Maxamuud Cabdi-maraykan) wuxuu kamid ahaa guddi deegaan oo howsha diwaangelinta isu-xilqaamay Degmada Dacarta, waxaanu Wargeyska Daan u sheegay “goobaha diwaan-gelinta degmada waxa soo booqday dad badan oo is-diwaangeliyey. runtii markaad aragto dadka tirada badan ee meelaha fog fog uga imanaya diwaangelinta, waxaad dareemaysaa in ay shacabku soo fahmayaan nidaamka muhiimada ay leedahay in ay doorashada ka qaybgalaan”ayuu yidhi Maxamuud kamida Siyaasiyiinta ka soo jeeda Degmada Dacarta oo hormuud u ahaa dadka sida mutadawacnimada ah uga shaqaynayey Olollaha Diwaangelinta.
“aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa guddida sare ee Doorashooyinka sida fiican ee ay howsha u fulinayaan, guud ahaana jamhuuriyada Somaliland waan hambalyeynayaa”ayuu yidhi isagoo ka dareen qaba baaxada howsha uu todobaadkii diwaangelintu socotay isaga iyo kooxdiisu ka shaqaynayeen.
Wariyaha ayaa goob diwaangelineed kula kulmay hooyooyin caruur yar xambaarsan oo safafka diwaangelinta ugu jira si taxadir ka muuqdo, iyadoo si guud marka loo eeggo jawiga diwaangelinta aanay ka madhanayn ka foojignaanta cudurka Covid19 oo khalkhal geliyey kulamadii dadweynaha tan iyo bilowgii sanadkan.
Qaar kamida Hooyooyinka oo uu kala sheekaystay xaalada diwaangelinta, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin qaadashada Kaadhka codbixinta, isla markaana ay u diyaar-garoobayaan doorashada xildhibaannada ku meteli doona Goleyaasha marka la gaadho maalinta codbixinta Doorashada.
Dadka culus ee ay kamid yihiin Haweenka iyo waayeelka uu dhibta ku yahay socodka dheeri waxa loo diyaariyey oo ay guddida Deegaanku goobta diwaangelinta ku soo gaadhsiinayeen Gaadiid Kiro ah, taasoo muujinaysa dedaalka ay bulshadu kaga qayb-qaadanayso horumarinta nidaamka Doorashooyinka.
Goobaha Diwaangelinta ee Deegaamada xadka ku teedsan ee degmada Doorashada Hargeysa , ayaa la soo laabay maalintii Sabtida ee todobaadkan, kaddib todobo maalmood ay dadweynuhu safaf dhaadheer ku jireen si ay isugu diwaangeliyaan codbixiyeyaal.
Hase yeeshee waxa ay Diwaangelintu ka soo socotaa goobo xadidan oo ku yaalla degmooyinka Caasimada, kuwaasoo ay wali dadweynuhu ka qaadan karaan Waraaqda diwaangelinta codbixiyeyaasha.

Diwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashada, ayaa muddo afar todobaad ah ka qabsoontay gobol-doorashooyinka Awdal, Saaxil iyo Maroodi-jeex, iyadoo maalmaha soo socdana laga daah-furi doono gobolka Togdheer.

Leave a Reply