“Miisàaniyada ha lagu Daro sagootinta mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland”Xildhibaan Cabdirisaaq Muuse Jaamac

0
391

Hargeysa (Dawan)  Xildhibaan Cabdirisaaq Muuse Jaamac Xildhibaan, kana mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland , ayaa soo jeediyay in Miisaaniyad sannadeedka 2020 iyo 2021  golaha wakiilada lagu daro qarash lagu anbabixiyo Xildhibaanada golaha wakiilada ee xilka kasii dagaya.

Xildhibaan Cabdirisaaq Muuse Jaamac Xildhibaan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Miisaaniyada kuma jirto sagootiskii aan maalintii dhaweyd ansixinay, haddal looma baahne waa in miisaaniyada lagu dara hadii aan iska tagno todoba bilood oo danbe ma fadhiyayne haddii aan miisaaniyada waxba inoogu jirin waxba tari mayse miisaaniyada waa in lagu daraa oo ay ku caddaata sagootiskii xildhibaanadu inuu ku jiro, iyo maamuukii.

Haddii ay jirto iyo haddii aanay jirinba waa in ay ka muuqata, tan doorashooyinkuba waa ay ka muuqata maxaa diiday teenu in ay ka muuqato”.

 

Leave a Reply