Fadhigii Golaha Guurtidda Somaliland oo Koram la’aan u Baaqday

0
430

Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha guurtidda Somaliland, ayaa baaqday kadib markii aanay soo xaadirin xildhibaano buuxin kara koramka golahaasi.

Golaha guurtidda Somaliland, oo ka kooban 82 xildhibaan, ayaa inta badan fadhiyada golahaasi waxaa uu sharcigu dhigaya 42-mudane, ahna tirada koramka, islamarkaana haddii tiradaasi la waayo aanay suurogal ahayn in fadhigaasi furmo.

 

Caadi ahaan koramka la doonayo in uu ku buuxsamo fadhiga maalinlaha ah ee golaha guurtiddu ayaa ah 42 muddane.

Xughayaha guud ee golaha guurtidda Somaliland, garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa mid mid u xaadiriyay magacyada 82-ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay.

Guddoomiye  ku xigeenka kobaad ee golaha guurtidda mudane Siciid Jaamac Cali,oo shir-guddoominayay fadhigii saaka ee golahaasi ayaa sheegay in koramku aanu buuxsamin, islamarkaana muddanayaasha aan koram soo xadirin  ay isugu jiraan kuwo xannuunsanaya iyo kuwa diwaangelinta codbixinta ku maqan iyo kuwa bila cudur daar ku maqan.

Sidoo kale Siciid Jaamac waxaa uu xildhibaanada cudur-daar la’aanta ku maqan ugu baaqay in ay soo xadiraan.

 

Guddoomiye  ku xigeenka kobaad ee golaha guurtidda mudane Siciid Jaamac Cali isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Maanta waxaad mooda in koramkii innaga dhiman yahay, dhaxan badanina waa jirta, muddaneyaal badanina waxaa ay ku maqan yihiin arrinta diwaangelinta, oo qoladii reer Burco intoodii badnayd xaggaasi ayay ku maqan tahay.

Xildhibaano badana waxaa la sheegaya in ay xannuunsanayaan oo ay golaha ku soo wargeliyeen, kuwa horena waa jiifeen.

Yeelkeede lanbarku waa uu inoo buuxsami lahaa haddii inta kale ee joogta ay soo dadaasho, xildhibaanada halkan laga yeedhin doonana waxaa aanu ku wargelinayna in ay halkan ka soo xaadiraan, wakhtiyada shaqada, kuwa xannuunsanayana in ILLAAHEY caafiyo.

Maanta mar haddii uu inoo gaadhi waayay koramkii xildhibaanadu in badan fadhiyeen  waa mahadsan yihiin xildhibaanada isa soo xilqaamay ee ka soo xaadiray golaha, si ay waajibaadkooda u gutaan, fadhiguna waa inoo xidhan yahay mar haddii koramku inoo qabsoomi waayay”

Leave a Reply