Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka oo Kormeeray Diwaangelinta Codbixinta oo Gobolka Togdheer ka Bilaabmatay

0
448

Burco (Dawan) Masuuliyiinta saddexda xisbi Qaran ee Somaliland, iyo xubno ka tirsan guddida doorashooyinka Qaranka ayaa kormeer ku sameeyay goobaha ay ka socoto is-diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ay shalay si rasmi ah u bilaabantay.

Komishaneer Kaltuun Sheekh Xasan ayaa sheegaytay cida ka faa’ideysanaysa fursada diwaangelinta codbixiyayaasha ee ka bilaabantay gobolka Togdheer iyo degaanada hoos yimaada. “Afarta maalmood maanta ayay inooga bilaabantay, oo 27-ka bisha ah, ila sodonka bisha haddii ILLAAHEY yidhaaho, waxaana loogu talo galay in la diwaangeliyo qofka aan markii hore qaangaadhin, qofka inta uu ku celiyay kaadhkii hore ka gubtay, iyo qof qaangaadhay balse aanay u suuragelin, ama dalka haka maqnaado ama ha jooge, saddexda qof ayaa loogu talo galay in ay afarta maalmood is diwaangeliyaan”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ay wehelinayaan hoggaamiyaha xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeeray goobaha ay ka bilaabantay diwaangelinta kaadhka codbixiyeyaasha ee magaalada Burco.

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa oo ay ka mid yihiin Xoghayayaasha xisbiga, madaxda heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Togdheer ayaa bulshada ku baraarujiyey ahmiyadda ay leedahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo saaka ka bilaabantay Gobolka Togdheer iyo Degmada Ceelafweyn.

Guddoomiye Cirro isaga oo arrinta diwaangelinta ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dadka hawsha wada waa dad waayo arag ah oo gobollo hore ka soo shaqeeyay, waxaa aanu ku guubaabinaynaa uun, lixda degmo doorashaba in dadku kaadhadhka qaataan, is diwaangeliyaan, dadka loo ogol yahayna waata la idiin sheegay, waa dadkii qaangaadhay, doorashadii hore kadib”

“Waxaan doonayna haddii ILLAAHEY yidhaaho, reer Burcoy aad u soo dareertaan, waxaana balan inoo ah doorasho ayaynu galeyna is muujiya, dorashadaasi kheyr ayay innoogu dhammaneysaa”Ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe.

Saraakiishan oo ay hormuud u yihiin guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), guddoonka xisbiga ee gobolka Togdheer, hoggaanka garabka haweenka iyo saraakiil kale, ayaa soo kormeeray goobaha ay ka furantay is-diiwaangelinta cod-bixiyayaashu, waxana ay indhahooda ku soo arkeen qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Burco oo safaf ugu jira sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen.

Xubnahan katirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda, ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qayb-qaataan is-diiwaangelinta, islamarkaana ka faa’iidaystaan waqtiga kooban ee ay fursaddani gobolka ka furan tahay, si ay uga qayb galaan codeeyaasha mustaqbalka soo socda go’aamin doona cidda ku meteli doonta goleyaasha kala duwan ee qaranka.

guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere),  isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Waxaa weeyaan diwaangelintii, aynu qaadaneynay, sidu qofku u codaynlahaa, in uu is diwaangeliyo qaata kaadhka codeynta, waanu ka simanahay, gacmaha ayaanu isku haysana”

Leave a Reply