Saaxil : Laba Qof oo Qarax ku dhintay

0
906

Berbera-(Dawan)-Laba Carruur ah oo Walaala, ayaa ku dhintay Duleedka Galbeed ee Magaalada Berbera, ka dib markii ay Miino la qaraxday. Waxaana ka warbixiyey sida wax noqdeen Taliyaha qaybta Booliska gobolka Saaxil Gaashaanle, Cabdi Cali Xayd.

Labada marxuum ayaa la odhan  jiray Shaafici Cabdi Jaamac iyo Subeer Cabdi Jaamac oo 3 sanno jir ahaa, kuwaas oo Miinadu ku qaraxday ka dib markii ay hadhaaga Hub ay heleen ku rideen Dabka Qoysku wax ku karsanayeen.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Gaashaanle Cabdi Cali Xayd oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera, ayaa sheegay in Waalidka ubadka dhalay guriga ka maqnaayeen marka labada Wiil walxaha qarxa dabka saareen, waxaanu sheegay in Qoysku yahay Xoolo-dhaqato.

Leave a Reply