Maxkamadda sare ee JSL oo 81 dacwadood ku soo dhegaysatay saddex gobol

0
551

Hargeysa(Dawan)-Wefti uu hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele oo ka koobnaa 9 garsoore iyo 6 kaaliye oo uu wehelinayo hal-xeer-iaaliye guud, oo ka socday xafiiska xeer-ilaalinta guud ee qaranka, ayaa safar shaqo oo qaatay 15 cisho ku tagay gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sanaag.

Ujeedada u weyn ee safarka ayaa ahayd sidii maxkamadda sare ee dalku ugu fudaydin lahayd, muwaadiniinta ay ka fogtahay deegaannadooda xarunta maxkamadda sare, isla markaana adeeg garsoor oo hufan ay ugu heli lahaayeen deegaannada ay ku noolyihiin, si ay uga baaqsadaan safar dheer oo ay u soo galaan magaalada Hargaysa, oo ay tahay xarunta maxkamadda sare.

Weftiga garsoorayaasha ayaa 15-kii bishii 12-aad ee 2020-ka, ka bilaabay safarkooda magaalada Berbera iyo deegaannada kale ee gobolka Saaxil, waxaanay uga sii gudbeen gobolka Togdheer halka ay socdaalkooda shaqo ku soo af-meereen gobolka sanaag 30-kii bisha.

Mudadii ay weftiga ka socda maxkamadda sare safarka shaqo ku gudo jireen waxay ka soo garnaqeen 81 dacwadood oo iskugu jiray 59 dacwadood oo madani ah iyo 22 dacwadood oo ciqaab ah, kuwaasoo ay dhegeysigooda u fadhiisteen.

Qorshahan, ayaa ah mid Bil walba qayb ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare ay ugu baxaan gobolada kala duwan ee dalka, si dhegaysiga dacwadaha derejadeeda ah dadweynaha loogu siiyo fursad ay halkooda ka helaan.
Waxaanay qayb ka tahay dedaalada ay maxkamadda sare ugu jirto fidinta adeega garsoorka, hase ahaatee safarkan u danbeeyay ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee sannadka 2020-ka ay tiro intaa le’egi hal mar xarunta maxkamadda sare ka guurto.

Wa bilaahi tawfiiq
Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare JSL

Leave a Reply