Laba dukaan oo jaar aha ayuu midkood iibinayay malabka kan kale Khalka. Dadka ayaa aad wax uga iibsan jiray kan iibiya khalka. Ninkii iibinayay malabka ayaa u qaatay in qiimaha malabku uu aad uga qaalisan yahay kan khalka, sidas darteed wuxu jebiyay qiimihii malabka ilaa uu ka dhigay mid la mid qiimaha khalka, laakiin taasi waxba kamay bedelin iibkiisa.
Markii danbe wuxu go’aansaday inuu u tago Ninka iibinayay khalka waxaana uu ku yidhi :” Waar maxay dadku kuugu soo urureen oo ay wax kaaga iibsanayaan adigoo khal iibinaya, kaasi oo aan dhadhan lahayn isla markaana urtiisu xun tahay?
Ninkii ayaa ugu jawaabay “ Anigu khalka waxaan ku iibiyaa carab malab ah, adiguna malabka waxaad ku iibisa malabka carab khal, waana taasi sababtu” . Haa mar kasta waxaynu u baahanahay carb malab si aan dadka si wanaagsan ula dhaqano oo ay weheliso niyad saafi ah. Waxaana la ogaaday in dhaqanka dadka soo jiitaa uu yahay hadalka macaan iyo debciga wanaagsan.