Fa’iidooyinka Quraacda Subaxa

0
705

Daraasada cilmi baadhis ah oo  ay soo saartay Harvard School of Public Health (HSPH) ayaa cadaysay in quraacada subaxii ay muhiim u tahay caafimaadka qofka, isla markaana ay leedahay faa’iido iyo waxtar weyn.

Cilmi baadhistu waxay cadaysay  in ragga iska dhaafa quraacda 27%, ay ku dhacaan xanuunada wadno xanuun iyo weliba inay u dhintaan isla xanuunkaasi. Inta badan dadka quraacda ka taga ayaa marka danbe ee ay gaajoodaan cunto badan qaata taasi oo jidhka aan u fiicnayn.

Cilmi baadhistaan oo lagu shaaciyay Wargeyska American Heart Association, ayaa socotay mudada 15 sano ah iyadoo ragga laga qaaday tiradooda lagu qiyaasay 26,902 , oo ah kuwa ka sheqeeya goobaha caafimaadka, da’doodun waxay u dhaxaysay 45-82. Iyadoo 1572 Ragaasi ka mid ahi ay ka cabanayaan xanuunada wadnaga.

Ragga quraacad ka taga waa raga aan xaasaska lahayn, kuwaasi oo isticmaala sigaarka ama khamriga ka hor quraacada.

 

Eric Rim oo ahaa qoraa iyo Profoseer dhinac nafaqaynta cuntada ayaa u sheegay Associted Press inay tani tahay fariin si cad ugu socota raga ka taga quraaacada.

Leah Cahill, oo ah Doctore ka tirsan waaxda nafaqaynta ee HSPH  ayaa isaguna cadeeyay Quraac la’aantu inay kor u qaado dhiiga karka, chrostrol iyo macaanka.

 

Leave a Reply