Xoghayihii guud ee Xisbiga UCID, oo Iscasilay iyo sababta

0
575

Hargeysa (Dawan) Xoghayihii guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Axmed Xirsi Ducaale, ayaa  maanta  si rasmiya ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayey Xisbiga UCID.

Masuulkan iscasilay ayaa xil ka tegistiisa ku sababeeyey in loo diiday inuu iska sharaxo Doorashada Wakiillada Xisbiga uu ka tirsanaa.

 

Xughaye Axmed Xirsi ayaa sheegay in guddoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Cali Xuseen (Waraabe), iska hortaagay murashaxnimadiisii uu ugu tartamayay golaha wakiillada Somaliland, taasi baddelkeedana uu guddoomiyuhu keenay nin ay isku beel yihiin, islamarkaana uu sheegay in uu ka dakhli badan yahay, iibsan doonana codadka degaankiisa.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in taasi baddelkeeda uu guddoomiyuhu keenay nin ay isku beel yihiin, islamarkaana uu sheegay in uu ka dakhli badan yahay, iibsan doonana codadka degaankiisa “Waan goostay Maanta , in aan ka tago oo aan iska casilo xilkii xughayenimo ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID aan ka hayay, iyo xilalkii kale ee aan ka mid ahaa hoggaanka xisbiga, ee ay ka mid ahayd guddida fulinta ay ka mid ahayd golaha dhexe intaba in aan iska casilo, maaddama wixii aan xaq u lahaa aan ka waayay xisbigeygii, sabab aan xilkii u sii hayana aan arki waayay, guddoomiyahana waanu isla qaadanay warqadii iscasilaadana waan u geeyay”

“Anniga waxaa igu jiray han an in aan hamigayga halkan aan taagnahay kor uga sii qaado, muddo hadda laga joogo sannad iyo siyaado waxaan u sheegay guddoomiyaha iyo masuuliyiinta xisbigaba in aan ahay murashax.

Sidoo kale waan ololeeyay degaankaygiina waan tagay aadna waa la iiga soo dhaweeyay, waxaasi oo dhammina guulahayga siyaasadeed ayay ahaayeen, ilaa haddana aan waddo, intaasi kadib hankaygii waxaa is hortaagay guddoomiyaha xisbiga caddaalada iyo daryeel ee UCID, mudane Faysal Cali Waraabe, waxaanu booskaygii murashaxnimo ee aan xaqa u lahaa uu siiyay nin uu suuqa uga yeedhay oo anniga degaankayga ka soo jeeda, markii aan weydiiyay sababta uu waxaasi u yeelayna maadama aan anigu uga xaq leeyahay nin walba xisbiga aan wax gashaday dhab ahaantii.

Guddoomiyuhuna wax i qanciya igumu odhan, kelmada uu yidhina waxaa ahayd ‘Adeer ninkani waa uu ka lacag badan yahay’, dhab ahaantiina anigu waxaan u arkayay arrintaasi in ay tahay dhaawac siyaasadeed, oo aan reer Somaliland iyo madaxdooda toona aan qaban, markii aan ku idhi adeer ninkani nin siyaasi ah maaha oo degaankiina cod ka helaya waxaa uu igu jawaabay ‘Adeer codkiisa isaga ayaa iibsanaya ee maxaa kaa galay”

Dhanka kale xughayaha iscasilay waxaa uu ka hadlay halka uu u socdo mustaqbalka hankiisa siyaasadeed, waxaanu yidhi. “Xisbiga UCID ayaan iska casilay, saddex xisbi Qaran ayaa dalka ka jira, meesha aan u socdo iyo meesha aan u wareegayo, hadday xisbiyada jira tahay, iyo haddii ay  cid kale oo aan wakhtigeeda la sugi doona tahayba mar haddii aan hankaygii siyaasadeed aan leeyahay wakhtigeeda ayay iman doonta haddii ILLAAHEY yidhaaho”

 

Halkan ka Daawo

Leave a Reply