Itoobiya: Masaajid Asxaabtii Nabigu dhiseen oo la burburiyey

0
1049

Dowladda Itoobiya ayaa ballan qadaday in ay dib u dhiseyso masjid qarniyo jiray oo lagu waxyeelleeyay dagaalkii gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ku dhex maray milatariga federaalka iyo xoogagga TPLF.

Masjidkan oo lagu magacaabo al-Nejashi ayaa lagu soo warramay in madaafiic lagu garaacay, la bililiqeystay islamarkaana laga waxyeelleeyay qabuuro taariikhi ah oo ay ku aasan yihiin qaar ka mid ah asxaabtii nabi Muxammad NNKH.

Dowladda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed ayaa sheegtay in sidoo kale la dayac tiri doono kaniisad masaajidkaas u dhow oo iyaduna ku burburtay dagaalkii socday.

Dadka deegaanka ayaa aaminsan in masaajidka al-Nejashi ay dhiseen muslimiintii ugu horreysay ee usoo haajirtay Afrika xilligii Nabi muxammad, nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.
Asxaabtii kasoo carartay dhibaatadii ku heysatay magaalada Maka ayaa waxaa magangalyo xilligaas siiyay boqortooyadii loo yaqaannay Aksum.

Bulshada ku nool deegaankaas ayaa aaminsan in qabuuraha la waxyeelleeyay ay ku aasan yihiin 15 ka mid ah asxaabtii nabiga NNKH.

Waxay sidoo kale sheegeen in masjidkan uu yahay kii ugu horreeyay ee abid laga dhiso qaaradda Afrika, inkastoo dad kale ay rumeysan yihiin in masaajidka ugu da’da weyn qaaradda uu yahay mid ku yaalla dalka Masar.

Masaajidkan ayaa ku yaalla magaalada Wukro, oo qiyaastii 800km (500 meyl) u jirta caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Kaniisadda la burburiyay ayaan wax faahfaahin ah laga haynin, iyada.

Hayad laga leeyahay waddanka Turkiga ayaa sanadkii 2015-kii billowday mashruuc lagu dayactirayay masaajidkan, waxayna mas’uuliyiinta hayaddaas sheegeen in ujeeddadoodu ay tahay sidii ay u nooleyn lahaayeen masjidkaas taariikhiga ah. Waxaa kale oo ay doonayeen in uu noqdo meel ay dalxiis ugu imaadaan dadka muslimiinta ah.

Masjidka iyo kaniisaddaba waxay dhibbaneyaal u noqdeen dagaalkii muddada bisha ah socday ee u dhaxeeyay ciidanka federaalka iyo maleyshiyaadka ka amar qaata xisbiga TPLF ee gobolka Tigray, kuwaasoo awoodda gobolka laga afgambiyay 28-kii bishii November.
Maxaa ku dhacay masaajidka?

Hayad uu fadhigeedu yahay dalka Belgium, oo dhaqdhaqaaqyo ka sameysa Afrika ayaa shaacisay in 18-kii bishii December masjidka al-Nejashi “markii ugu horreysay bambooyin lala dhacay kaddibna ay boob u geysteen milatariga Itoobiya iyo kuwa Eritrea”.

“Ilo wareedyo laga helay gobolka Tigray ayaa sheegay in dad ay u dhinteen iyagoo difaacaya masjidkaas,” ayey tiri hayadda.

Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin wararkaas la shaaciyay. Dhanka kale dowladaha Itoobiya iyo Eritrea labaduba waxay beeniyeen in ciidamo reer Eritrea ah ay ku sugan yihiin gobolka Tigray si ay gacan uga geystaan dagaalka lagula jiray xoogagga TPLF.

Maalintii Isniinta, telefishinka ku hadla afka dowladda Itoobiya ayaa soo xigtay dadka deegaanka oo sheegaya in ciidamo ka tirsan maleyshiyaadka TPLF ay godad ka qodeen meelo u dhow masaajidkaas, wax faahfaahin ahna lagama bixinin sababta ay sidaas u sameynayeen.

Dowladda ayaa xayiraado adag kusoo rogtay warbaahinta gobolka Tigray, taas oo meesha ka saartay in si rasmi ah loo ogaado waxa ka docda halkaas.

Waxaa xitaa gobolkaas aan loo fasixin in ay ka howl galaan shaqaalaha hayadaha gargaarka.

Wareysi ay BBC-da qaybteeda Afka Axmaarigu la yeelatay ku xigeenka agaasimaha waaxda ilaalinta dhaqanka ee Itoobiya, Abebaw Ayalew, ayuu ku sheegay in koox loo diray inay soo qiimeeyaan dhaawaca gaadhay masjidkaas iyo kaniisadda labadaba ka hor inta aan dib loo dayac tirin.

“Goobahan ma aha oo kaliya meelo cibaado. Waa goobo dhaxal ah oo ka dhaxeeya guud ahaan dadka reer Itoobiya,” ayuu yidhi.

Leave a Reply