Yaa ka dambeeyey weerarkii lagu jabsaday Xogta Maraykanka?

0
979

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa Salaasadii todobaadkan sheegtay, in ay u badantahay in Ruushka uu ka danbeeyay, weeraro dhanka internetka ah oo lagu jabsaday kambiyuutarrada wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka Mareykanka.

Weeraradaasi ayaa laga warhelay bishi lasoo dhaafay, kaddib markii loogu dhacay xarumo xogtoodu muhiim tahay.
Meelaha lala beegsaday waxa ka mid ah Wasaaeadaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Tamarta iyo sidoo kale shirkado gaar loo leeyahay oo sida la aaminsan yahay xidhiidh la leh dawladda.

Warkan kasoo baxay Sirdoonka Mareykanka, ayaa lagu sheegay in ay wali wadaan badhitaanno lagu xaqiijinayo suurtagalnimanada hay’addo kale oo la weeraray.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in hadafka weerarka uu u muuqdo mid lagu raadinayay xogo dhanka mukhaabaraadka ah, balse aanay u muuqan mid kharbudaad ah lagu geysanayey.

Madaxweyne Trump ayaa weersrkaasi horay ugu eedeeyay dowladda Shiinaha.
Wadamo kale oo ay Maraykanka saaxiib dhow yihiin, ayaa la daalaa-dhacaya dagaal dhinaca Internetka ah oo lagu qaaday, waxaana kamida Israa’iil oo ay Kooxaha Internetka ee Iiraan si xun u fadhataysteen.

Leave a Reply